Listen

Description

Ku ajiibay Allahayow ku ajiibay
Rabbiyow ku ajiibay; qalbigeyga, caqligeyga iyo xubnaheyga dhammaan kugu ajiibay.
Rabbiyow ku ajiibay; hoggaansanaan, madax raaricin iyo isdhiibid kugu ajiibay.
Allahayow kugu ajiibay anigoo khaalis kuu ah, saafina ka ah wax kasta oo iga kaa shuqlinaya.
Kugu ajiibay; jaceyl, adeecitaan, raalli ahaansho iyo xasilnaan.
Kugu ajiibay hanka aan u qabo raalli ahaanshahaaga iyo rajeynta raxmaddaada.
"Allahayow waa ku ajiibay oo talo saaranmaayo cid aan adiga aheyn...
"
U dabci maayo cid aan adiga aheyn
Rajeyn maayo cid aan adiga aheyn
"Ka baqimaayo cid aan adiga aheyn.
"
U xukun doonan maayo cid aan adiga aheyn

Waan ku ajiibay; cid wax kula wadaagtaa ma jirto, waan ku ajiibay.
Cid kula lihi ma jirto awooddaada iyo boqortooyadaada.
Cid kula lihi majirto taladaada iyo xukunkaaga
Cid kula lihi majirto abuuridda iyo talada.
Cid kula wadaagtaa ma jirto sharciga iyo cibaadada.
Cid kula wadaagtaa ma jirto xalaaleynta iyo xaaraameynta.
Cidi kulama laha daacada iyo hoggaansanka.
Cidi kulama wadaagto salaaddeyda iyo gowraceyga.
Cidi kulama laha nolosheyda iyo dhimashadeyda.
Waxaa liibaanay ruuxii ajiiba dhawaaqa Rabbigiis, addeeca, isuna dhiiba.
Waad liibaanteen muslimiintiiyow
Waad liibaanteen kuwiinaan qariibka ahow.

#Ciidul_Adxa
#Al_Saadicuun_Bil_Xaq