Munaasabadda Ciid Al-adxa Al-mubaarak -1442 Munaasabada Ciid Al-adxa ee barakaysan darteed, Jamaacada Al-Saadicuun Bil-Xaq waxa ay u hambalyeynaysaa dhamaan muslimiinta midab kasta ha lahaadeen , luqad kasta haku hadleen , wadan kastana ha joogeen. Jamaacada Al-Saadicuun Bil-Xaq Waxa ay u hanbalyeynaysaa muslim kasta oo Allaah isu dhiibay , qabsaday xarigiisa , ku raali noqday Allaah rabbinimadiisa, diinta Islaamkana ka dhigtay diintiisa oo raacay kuna dayday Rasuulkiisa Mohamed nabad iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.