Madaxweyne Xasan Sheekh Axmed ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynimo ee Soomaaliyee 15-ka bisha May ka dhacday teendho ku taala Afasiyooni. Halkaa oo ay Xildhibaanada labada aqal ay ugu codeeyeen. Barnaamijkaan ayaa ku falaqeyn doonaa waxyaabaha horyaala madaxweyne Xasan Sheekh 100-ka maalmood ee soo socota.
Arrimaha aan ku lafagurnay barnaamijka waxaa ka mid ah:-
Siyaasada
Ammaanka
Xiriirka dowlada dariska
Fadaraalka
Faragalinta dowlada shisheeye
Arinta Al-shabaab
Barnaamijka waxaa igala qeyb galaya Cumar Macalin oo ah siyaasi bartayna culuumta siyaasada sidoo kalana falanqeeya arrimaha geeska Afrika.