Look for any podcast host, guest or anyone
Showing episodes and shows of

Avalites Foundation

Shows

PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONDhaxalkii Aqooneed ee Maxamad Daahir Afrax | CAMBAABUR PODCAST #809 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa. Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada badnaa. Dhan kale waxa ay is dul taagayaan sidii ay ku barteen, sidii ay warka geeridiisa ku maqleen, macnihii uu Afrax ugu fadhiyay hidda qoran ee umadda Soomaaliyeed iyo sida loo xasuusan doono. Naxariistii janno Eebbe ha ka waraabiyo Afrax. Qoyskiisii iyo akhristayaashiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo. Dhagaysi wanaagsan. 2021-10-221h 06PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONSooyaalkii iyo Waayihii Maxammad Daahir Afrax | CAMBAABUR PODCAST #709 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa. Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada badnaa. Dhan kale waxa ay is dul taagayaan sidii ay ku barteen, sidii ay warka geeridiisa ku maqleen, macnihii uu Afrax ugu fadhiyay hidda qoran ee umadda Soomaaliyeed iyo sida loo xasuusan doono. Naxariistii janno Eebbe ha ka waraabiyo Afrax. Qoyskiisii iyo akhristayaashiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo. Dhagaysi wanaagsan. 2021-10-2146 minPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONSHEEKO-FANEEDDA: Sooyaalkega, Jaadadkeega, Sida Loo Akhriyo| Maxamed Siciid Mire | CAMBAABUR PODCASTWaa mar kale iyo Cambaabur Podcast Waxa marti ku ah Maxamad Siciid Mire. Waa qoraa u dhuundaloola sheekooyinka, waxna ka qora. Waxa aan kala sheekaysannay: Sooyaalka Sheeko-faneedda, Sheekafa, sheeko xariirta iyo jaadadka kale ee sheekaynta xidhiidhka ka dhexeeya, Jaadadka sheeko-faneedka, Sheeko-faneedku aqoon ma xambaari karaa, iyo arrimo kale oo sheekada la xidhiidha. Dhagaysi wacan #Sheeko, #SheekoFaneed, #Sheekayn, #Riwaayad, #SheekadaSoomaalida, #SheekafaneeddaSoomaalida, رواية_الصومالية#, #SomaliNovel2021-08-151h 11PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONXADAASADA-KA-DIB: SIDEE AYAY U NAQDISAY XADAASADA | CAMBAABUR PODCAST |#05| CUMAR CALI BAASHE (2/2)Waa Cambaabur Podcast #5   Kulankan waxa uu daba socdaa kii hore ee #4, Cumar Cali Baashe ayaa sii  wada qaadaadhigista fahanka XADAASADA IYO XADAASADA-KA-DIB. Qaybtanna  waxa aan ku eegaynaa sida uu dhaqdhaqaaqa XADAASADA-KA-DIB U NAQDIYAY  XADAASADA?  (Xadaasada-ka-dib/Post Modernity/ما بعد الحداثة ), si lamid  ah sidii horena waxa aan ka hadli doonna curashadeedii iyo  taabbagalkeegii, dhinacyada ay saamaysay/ka koobantahay iyo fikradaha  seesdhigga u ah.    Cumar waa aqoonyahan ku takhasusay Dhaqaalaha iyo Horumarinta  Dhaqaalaha, daneeya oo wax ka qora dhaqanka (saqaafada), falsafadda iyo  arrimaha danta guud.    ***   Ku Taxnaw Cambaabur Podcast oo kala soco:  Apple Podcasts https://apple.co/3n...2021-05-0743 minPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONXADAASADA: MAXAY TAHAY, SIDEE AYAY SE U CURATAY? | CAMBAABUR PODCAST | #04 | CUMAR CALI BAASHE (1/2)Waa Cambaabur Podcast #4    Kulankan waxa uu Cumar Cali Baashe ku qaadaa dhigayaa fahanka XADAASADA:  MAXAY TAHAY, SIDEE AYAY SE U CURATAY?  (Xadaaso/Modernity/الحداثة ),  curashadeedii iyo taabbagalkeegii. Sidaas oo kale dhinacyada ay  saamaysay/ka koobantahay iyo fikradaha seesdhigga u ah.    Cumar waa aqoonyahan ku takhasusay Dhaqaalaha iyo Horumarinta  Dhaqaalaha, daneeya oo wax ka qora dhaqanka (saqaafada), falsafadda iyo  arrimaha danta guud.    Ku Taxnaw Cambaabur Podcast,   SUBSCRIBE - LIKE - SHARE.   #AvalitesFoundation  #CambaaburPodcast2021-05-0556 minPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONCABDIWAHAAB AL-MASIIRI: MAALMIHIISII IYO MUCDA FIKIRKIISII | RIDWAAN MAXAMUUD SHEEKH (MAYGAAG)Cabdiwahaab Almasiiri (1938-2008) wuxu ahaa faylasuuf Masaari ah oo waxsoosaar badan, waxsoosaarkiisuna saamayn badanaa, noloshiisii iyo imikaba. Sidaas oo kale wuxu ahaa Indheergarad magiciisa iyo miisaankiisa aqooneed kaga qaybqaata masraxa guud. Qof ahaan Cabdiwahaab wuxu maray isbadallo rumayneed oo isku lid ah mararka qaar intii uu noolaa, raadna kaga tagay fikirkiisa.    Ridwaan Maxamuud Sheekh (Maygaag) ayaa jeedin muxaadaradan oo ciwaankeegu yahay: Cabdiwahaab Al-Masiiri: Maalmihiisii iyo Mucda Fikirkiisii.   #المسيري​ #Elmessiri​ #Avalites2021-04-2745 minPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONQORMO CODEED - #1 | SAHANKA RAAGE: Cabdiraxmaan Aadan MaxamuudQormadan Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud ayaa curiyay, waxa lagu faafiyay Bandhige Sebtambar 01, 2020 iyada oo qoraal ah. Codkiisa isaga oo ku gudbinaya ayaan halkanna ku faafinaynaa iyada oo ah Qorm Codeed ah.  Halkan ka akhri: https://bandhige.com/maqaallo/sahanka-raage-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud Halkan kala xidhiidh qoraaga: https://www.facebook.com/abdirahman.adan.982020-11-1013 minPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONKACAANKA WARSHADAHA & CURASHADA BULSHADA CASRIGA | MUSTAFE FAYRUUSMuxaadaradan ciwaankeedu yahay KACAANKA WARSHADAHA IYO CURASHADA  BULSHADA CASRIGA AH: Saamaynta Tiknoloojiyaddu ku Leedahay Nolosha  Aadamaha waxa ay qayb ka tahay silsiladda muxaadarooyinka Avalites  Foundation.   Macalin Mustafe Faysruus oo bare sare iyo baadhe ah ayaa ka jeediyay  Maktabadda Qaranka ee Soomaalilaan, 11 Sep 2020 ka.2020-10-121h 14PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONCAMBAABUR PODCAST | #03 | HAAYADAHA FIKIR-DHALINTU MAXAY YIHIIN, SIDAYSE U SAQEEYAAN | MUSTAFE FAYRUUS. (3/3)Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus. Mustafa Feiruz wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan   Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa   cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha   Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo  Qalinlayda  Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af  Soomaaliga-AGA. Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysannay fadhigan iyo labada   xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida   ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso, qaddiyadaa   lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan. S...2020-09-0351 minPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONCAMBAABUR PODCAST | #02 | HAAYADAHA SAMEEYA CILMIBAADHISTA SOOMAALIYEED, AJANDAYAASHA IYO CAQABADAHA | MUSTAFE FAYRUUS. (Q2aad)Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus. Mustafa Feiruz wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan  Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa  cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha  Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda  Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA. Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysannay fadhigan iyo labada  xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida  ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso, qaddiyadaa  lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan.2020-09-0245 minPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONCAMBAABUR PODCAST | #01 | CILMIBAADHISTA SOOMAALIYEED WAA MAXAY? | MUSTAFE FAYRUUS. (Q1aad)Cambaabur Podcast waxa aan ku bilaabaynaa Mustafe Fayruus.  Mustafe Fayruus wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA. Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysanay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso iyo qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto a...2020-09-0148 minPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONQOFKA, BULSHADA IYO BARAHA BULSHADA: Fursado, Cillado iyo Cabsiyo | Ayaanle Hoorri & Cabdillaahi Raage "Sayidka" [PODCAST TEST #1]Baraha bulashadu waa shaacsane (phenomenon) casri ah, baadhisyada ku sahabsani bilaw yihiin lakiin saamayn wayn oo baaxadda doodaha la xidhiidha ay taxanyhiin fiqiga diinta illaa falsafadda nolosha. Qaddiyado doodahaas la xidhiidha ayay Ayaanle Hoorri iyo Cabdillaahi Raage "sayidka" kaga sheekaysteen fadhigan. Waxa ka mid ah qaddiyadahaas  #1 Dimuqraadiyadda iyo Baraha bulshada,  #2 Caafimaadka nafeed ee qofka. xidhiidhada qoys iyo baraha bulshaad,  # 3 Amaanka xogta qofka iyo ta umaddeed xilligan ay xog ururinta aan abid hore u dhicin shirkada barasha bulshadu sameeyeen  # 4 Qumanaanta qofka iyo qaabka ay baraha bulshadu u saam...2020-07-1348 minPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONTAARIIKHDA IYO XASUUSTA: AKHRISKA BUUGGA "KALAHAADKII MUQDISHO" | CABDILLAHI RAAGENaadiga Akhriska iyo Falanqaynta Doodaha ee Ogaal oo fadhigiisu yahay Boorama iyo Haayadda Dhaqan ee Avaliteis ayaa kulankan wadajir u qabtay 28 Feb, 2020. Cabdillaahi Raage, oo ka tirsan Avaliteis waxa uu muxaadaradan ku akhrinayaa buugga Yuusuf Maxammad Xayd ee Kalahaadkii Muqdisho indhaha labada fahan ee Xasuusta iyo Taariikhda. Wuxuna soo gudbinayaa dood buuga u arkaysa hanti ay tahay in lala  falgalo, loona adeegsado sida taariikhda akaadamiga ahi u adeegsato dhukumentiyada qoran.  Dhagaysi wacan.2020-02-2952 minPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONBEERTA XAWAYAANKA: GORFAYN - CABDILLAAHI RAAGESheekada Beerta Xawayaanka ee uu curiyay qoraagii reer Ingiriis ee Joorj Orwil oo ka mid ah sheekooyinka dunnida kuwa ugu caansan ayuu Cabdillaahi Raage ku falanqeeyay 17 Ogtoobar 2017 kii Madasha Buugga oo ah koox Faysbuug oo buugta lagu wadaago, laguna falanqeeyo. Muuqaalkan oo ah kii sida tooska ah (live) uga baxay madasha ayaan mar kale halkan idinku la wadaagnay.  Dhagaysi wacan.2019-12-0445 minPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONMAGAALAWGA IYO GABAY-JACBURKA DHOODAAN- AYAANLE HOORRI | Avalites FoundationMuxaadaradan oo ka mid ah shaqooyinka Avalites Foundation waxa uu Ayaanle Hoorri ka jeediayay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.    Waxa uu awoodda saaray Ayaanle, gorfayntana ku Iftiimiyay:   - Sidee baynu ula falgali karnaa gabay-jacburka Dhoodaan,  - Muxuu se inooga bildhaamin karaa magaaloobiddii Soomaalida tobanlayaashii dambe ee qarnigii labaatannaad?  - Hannaanka gabay-jacburku (style) se ma noqon karaa alban aynu ka daawan karno waayihii jiray xilligaas?  - Albaynaynta gabay jacburka maxaa ku jabay?  - Ugu dambayn, maxay ka dhigan tahay in aynu ‘dhaxalno’, xilligan, gabay-jacburka Dhoodaan?  Dhagaysi wacan.2019-12-041h 34PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONSADDEX NAFOOD: GORFAYN - CABDILLAAHI RAAGE | AVALITES FOUNDATIONKulankan oo ay soo agaasimatay AVALITES Foundation waxa uu ka qabsoomay xarunta Boorama Youth Job Center 07/Nov/2019 waxana lagu gorfeeyay muujinta dabaqadaha, shakhsiyadaha, dhaqan naqdinta iyo doodaha falsafadeed ee sheekada Ibraahim Hawd Yuusuf ee Saddex Nafood.   Qodobadda Gorfayntu Awoodda Saartay:   - Maxay macno leedahay in aan akhrino, wadar iyo qof ahaan ba, sheekafaneed Soomaaliyeed?    - Waayaheenu se muxuu ka dalbanayaa akhrinta sheekafaneeddan gaaban?    - Saddex Nafood ma noqon kartaa maaddo gorfayneed? Sidee bay se gorfayntaasi, dood ahaan, u eekaan kartaa?  AVALITES FOUNDATION waa haayad dhaqan (culture) oo awoodda saarta qofka iyo dheefta...2019-12-021h 11PODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATIONPODCASTS AND LECTURES OF AVALITES FOUNDATION (Trailer)2019-12-0100 min