podcast
details
.com
Print
Share
Look for any podcast host, guest or anyone
Search
Showing episodes and shows of
Hodan Hilmi
Shows
Hab Fikirka Tarmuuska
SE05ep1: Hal caado oo aan qasab kugu ahayn — balse noloshaada dhisaysa | Marti: Abdikafi | Safar!
Bismilaah; Marti cusub! Horumarka dhabta ah ma aha inaad hal habeen guusha gaarto, ee waa inaad ogaato jihada saxda ah. U dabaalato dhanka hirku kaa xigo si aad si fudud, joogto ah, oo fog u gaarto meesha aad rabto. 🌊📚
2026-02-26
49 min
Hab Fikirka Tarmuuska
Season 5 Trailer | Safar!
Bismilaah; Waa markale iyo kalkii 5.aad, kaalay oo safarkan cusub ka qayb qaado!
2026-02-19
02 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04: Final ep: Haddii Aadan Ogeyn Waxa Aad Raadineyso, Wax Qaldan Ayaad Ku Mashquuleysaa | Dhugatayee, Maxaad dhigi!
Bismilaah; Haddii aadan ogeyn waxa aad raadineyso, waxaad ku mashquuli kartaa wax aan ku dhisayn. Qaybtan waa gunaanad ku saabsan jihada toosan, su'aalo sax ah, iyo shaqada gudaha ka hor inta aan wax dibadda laga beddelin. Dhagaysi wacan!
2026-02-12
19 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep15: Sidee tahay? Ma Is waydiisay?
Bismilaah; Saakana waa su'aale , sidee tahay?
2026-01-29
16 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep14: Ma Akhrinta ayaa ku bedesha Mise Waxa aad akhrido?
Bismilaah; Sanad walba waa nala yiraahdaa wax badan akhri, balse nalama baro sida si fiican wax loo akhriyo. Qaybtan, waxaan kula wadaagayaa isbeddelkii aan sameeyay 2025: ka guurista akhris aan ujeeddo lahayn una guuray akhris leh niyad iyo himilo. Waa milicsi ku saabsan buugaagta, aqoonsiga, iimaanka, iyo sababta waxaad akhrido ay uga muhiimsan tahay inta aad akhrido. 📚✨
2026-01-22
18 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep13: Takooridda Aan Ka Aamusanahay: Bulshada Soomaaliyeed 🪞🧠🖤 With Shamso Ahmed ┃ Dhugatayee Maxaad Dhigi!
Bismilaah; Takooriddu mar walba kama timaaddo dibadda — mararka qaarkood waxay ka dhex jirtaa bulshadeenna. 🪞 Qaybtan, waxaan si toos ah u eegaynaa sida kala soociddu uga muuqato dhexdeena: qabiil, midabka maqaarka, xaaladda caafimaad, iyo aragtiyo nololeed oo kala duwan. 🧠 Ma aha in cid kale la eedeeyo ee waa in qof walba is weydiiyo su’aasha adag: anigu xaggee ayaan ka taaganahay? Qaybtani waa martiqaad aad ku joojiso is-difaaca, kuna bilowdo is-eegis dhab ah. 🔍✨
2026-01-15
33 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep12: Waxaad Rumaysato Ayaad Noqotaa 🧠✨
Bismilaah; Qaybtan waxaan ku eegaynaa saddex sheeko oo muujinaya awoodda rumaysadka (beliefs) 🧠 sida waxa aad aaminsan tahay ay run ay u noqdaan. Waxaan sidoo kale ka hadli doonaa sida rumaysad kastaa u yahay sheeko la barto oo qofku isu sheego 📖, isla markaana ay tahay mid la beddeli karo 🌱✨.
2026-01-08
12 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep11: Yaysan Kuu Raacin 2026 Caadooyinkii Ku Dilay 2025!
Bismilaah; Duug dhammaan caadooyinkii ku dilay 2025. Ha u ogolaan inay kuu raacaan 2026. Hadda go’aanso qofka aad noqonayso, ka hor inta uu sannadku bilaaban.
2025-12-25
18 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep10: Maxay Noogu Adagtahay inaan dhahno "Waan ku jeclahay?" with Abdullahi | Dhugatayee, Maxaad Dhigi!
Bismilaah; Qaybtan waxaan la sheekaystay Cabdullaahi oo nagala soo hadlaya dalkii hooyo, gaar ahaan Muqdisho. Wada sheekaysigeennu wuxuu iftiin saarayaa dhaqankeena Soomaaliyeed, waxa mudan in jiilasha loo sii gudbiyo, iyo waxa u baahan in si geesinimo leh looga tago. Dhagaysi Wacan!
2025-12-18
42 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep9: 5-ta Nooc ee Kalsoonida, Midkee ayaa xoojin kaaga baahan? | Dhugatayee Maxaad Dhigi!
Bismilaah; Qaybtan waxaan ku sharaxayaa 5-ta nooc ee kalsoonida si aan nafteena u baranno 😄💪. Maxay kala yihiin, sideese ku garan kartaa kuwa aad ku xooggan tahay iyo kuwa u baahan in la xoojiyo? 🌱✨ Halkan ka dhagayso!
2025-12-11
35 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep8: The Final 5 Weeks oo Go’aamiya Guusha Sannadka!
Bismilaah; Shanta isbuuc ee ugu danbaysa sanadka waxay la yimaadaan labo dareen midood. Culays ama Farxad iyo rayn rayn. Suaal marka: Keebaad adigu hadda dareemaysaa? Sideese dareenkaa uga dhigi kartaa mid ku anfaco sanadka bilaabmaya? Haduu Alle yiraah. Ku dhamee saadka xayinimadii aad ku bilawday; Sidoo kale dhagayso xalqadii sannadkii 2024, ee Peak.end rule. "waa-maxay-faa-iidada-peak-end-rule-sida-loo-abuuro-dhammaad-guul-iyo-xusuus-leh-2024" Dhagaysi Wacan!
2025-12-04
16 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04EP7: Kan ilaasho, Kana Tuur! With Fadumo Hasan | Dhugatayee Maxaad Dhigi!
Bisilaah; Qaybtan waxaan la fariistay Jacayl badan u haya dhaqanka Soomaaliyeed. Wada sheekaysigeennu wuxuu iftiiminayaa laba arrimood: 1) Hal dhaqan oo aynu jeclaan lahayn inuu sii noolaado. 2) Iyo hal dhaqan oo aynnu rajaynayno inuu halkan ku joogsado. Martiduna waa qofkii ila wadaagay Podcast-gii ugu horeeyay ee somali ku baxa oon dhagaysto muddo 6-7 sanno laga joogo. Sidoo kalena ka danbaysay, in uu Hab Fikirka Tarmuuska Soomali ku baxo. Marka dhagaysi wacan!
2025-11-20
36 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04EP6: Sidee Awoodda Looga Qaadaa Fikirka Xun? 🧠✨ | Dhugatayee Maxaad dhigi!
Fikir dib kuula haraya maa ku daaliyay? 🤔 Qaybtan cusub waxaan kaga hadlaynaa 3 qaab oo aad awoodda ugaga soo ceshan karto fikirka xun (Negative) 💫 Qalinkaga, codkaaga, iyo qof aad ku kalsoon tahay ayaa noqon kara furaha xorriyadda maskaxda. 🖊️🎙️🫶🏽 Dhagayso si aad u barato sida aad ugu beddeli karto fikir xun mid ku dhisa. 🌱
2025-11-13
44 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04EP5: Naftaada Baro, Ka Billow Fikirkaaga 💭 Qaybtii Kowaad | Dhugataye Maxaad Dhigi?
Bismilaah; Inta ugu badan waxaan maqalnaa “Naftaada baro,” balse xaggee laga bilaabaa? Qaybtan waxaan aad u dhex jeexaynaa badweynta aqoonta nafta qayb ta ugu mudan oo ah fikirkaaga, codadka gudaha ee kuu sheegaya cidda aad tahay, iyo sida maskaxdaadu u qaabayso Hab Fikirkaaga iyo noloshaada. 🎧💭
2025-11-06
32 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04EP4: Naftayda oon jeclaado, ma danaysi baa? 💞 | Dhugatayee Maxaad Dhigi
Bismilaah; Markaan maqallo “Naf jaceyl” waxaan waagii hore u aaminsanaa inuu yahay kibir iyo kelinimo. Laakiin maanta waxan ogaaday inuu yahay bilowga ISBEDEL Ka 💫 Qaybtan waxaan ku falanqeynayaa mawduuca Naf jaceylka iyo sababta uu muhiim ugu yahay qof walba. 💭
2025-10-30
21 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04EP3: 🎙️ Naftaada Ma Jeceshahay? Haa, Hadaba fadhiga Ka Kac! | Dhugatayee Maxaad Dhigi
Bismilaah; Mararka qaar fadhigu waa nasasho, laakiin haddii uu bato oo dheeraado, wuxuu dhalaa wax layiraahdo shalayso oo hadhoow nagu noqda bahal si arxan daro ah noo cuna. ⏳ Dhageyso qaybtaan si aad u ogaatid sababta ay dhaqaaqidu muhiim u tahay 💫
2025-10-23
29 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep2: Sabab ayuu isbeddelku u adagyahay? Iyo Maxamed Cali | Dhugataye Maxaad Dhigi?
Bismilaah; Qaybtan waa wada sheekaysi furan oo uu nagala soo qayb galay Maxamed Cali, annagoo si hufan uga hadlayna micnaha iyo ujeeddada “Dhugataye Maxaad Dhigi?” 💭 Ayaan hadana wadaagnay sheeko ku saabsan fahamka, dhaqanka, iyo dib u milicsiga, sidoo kalena dib u eegnay waxa aan ka dhaxalnay iyo waxa aan rabno inaan dib u qorno ✍️🌱 Dhagaysi Wacan!
2025-10-16
52 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE04ep1: ✨ Hal sano oo Podcasting ah iyo 50 xalqadood maxay i bareen? | Dhugataye Maxaad Dhigi!
Bismilaah; Haddii aad weligaa ku hamin jirtay inaad wax qabato 💭, ay jirto fikrad mar walba kugu soo noqnoqota mid aad rabtay inaad bilowdo laakiin aadan weli ku dhiiran 😔 ama aadan garan sida loo bilaabo 🚶♀️… Haddii ay saas tahay, qaybtaan waa tii aad ka heli lahayd talooyin iyo xooggii aad wax ku bilaabi lahayd 🎧✨
2025-10-09
52 min
Hab Fikirka Tarmuuska
🎬🎙️ Season 4 Trailer | Dhugatayee Maxaad Dhigi 🕊️📜
Bismilaah; 🎙️ Season 4 Trailer; Waa waqtigii aan dib u xusuusanlahyn wixii aan qornay, aan sharafno qaybaha wanaagsan ee na sameeyey, iyo aan geesinimo u yeelanno inaan dib u qorno wixii aan noo adeegayn. 🌍✨ Dhaqanku waa awood, wuu na qaabeeyaa, laakiin waa aan anagu Qorno. 🪔📜 Hadda qalin adiga ayuu gacantaada ku jira. Maxaad u gudbin doontaa carruurta iyo jiilasha soo socda? 🕊️💛 Ku soo dhawaaw season-ka 4.aad iyo Dhugatayee maxaad dhigi!
2025-10-02
01 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP16 Final Ep : Dhimashadu ma dhammaad baa? ❓ – Ma fiyoorahaa mise waa fikirkayga?
Bismilaah; Qaybtan waxaan ka sheekeynayaa sida ubaxu u dhasho, u koro, u qurux bato, ugu dambeyntiina u engego. 🌸 Laakiin… ma halkaas baa sheekadu ku dhammaataa? Waxaan ku milicsanay nolosha bini’aadamka, marxaladaha kala duwan ee aan soo marno, iyo runta weyn ee dhimashadu in aysan ahayn dhammaadka , balse ay tahay bilow cusub, Akhira. 🌙✨ Mahadsanid inaad ila soo socotay intii lagu jiray Season 3.💛 Tani ma aha dhammaad… waa bilow cusub oo Season 4 ah, inshaa’Allah. 🌱🎉
2025-09-25
29 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP15: Deegaanka miyaa go'aamiya horumarka? 🌍🌱| Ma Fiyoorahaa Mise Waa Fikirkayga
Bismilaah; Ubaxa Lotus wuxuu ku dhashaa dhoobo iyo biyo wasakh ah, haddana wuxuu noqdaa mid ka mid ah ubaxyada ugu quruxda badan adduunka. 🎋 Casharka? Waxaa jira qurux iyo awood gudahaada ah, xitaa haddii deegaankaagu adag yahay. 💪🏽✨ Qeybtan waxaan ku baran doonaa sida fikradahaaga iyo waxa aad quudiso maskaxdaada ay u qaabeeyaan noloshaada. Iyo sida aad ugu abuuran karto qurux iyo xoog, meel kasta oo aad joogto. 🌍🌸
2025-09-18
38 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP14: Qof kastaa wuxuu leeyahay Socod u gaar ah, waa kee socodkaagu?🚶🏾♀️🧕🏾🐌🐜 | Mindset Shift
Bismilaah; 🐌✨ Qaybtan cusub ee Mindset Shift waxa aan daaha ka qaadeynaa casharro qoto dheer oo laga barto Cali_Dhareerowga (sluga) gaabiska. Maxaa yeelay, noloshu mar walba degdeg ma aha. Quraanjadu waxay na bartaan xawaare iyo wadajir, halka slugu uu na baro dulqaad iyo Adkaysi. 👉 Haddaba, sidee ayay u dhici kartaa in waxa aad u aragto daciifnimo ay dhab ahaantii noqdaan xooggaaga? 👉 Sidee ayaad uga dhigi kartaa culayskaaga mid iftiin kuu noqda, halkii uu kuu noqon lahaa culeys? Dhagayso qaybta oo ogaaw: ✨ Sheekadaada guusha weli way ku sugeysaa.
2025-09-11
26 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03ep13: Caqabadaada kaliya waa TELEFOONKA!
Bismilaah Xalqadaan waxaa igu wehliya Fatush iyo Iftin, waxayna wax badan naga yiraahdeen Teleefonka , Scroll-ka, dhibaatadiisa, iyo waxa aan ku xalin karno. Dhagaysi Wacan!
2025-09-04
52 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP12: Noqo Mashquul, Mugdi Ha Ku Qaadan Dayrta /Autumn 🍂
Bismilaah; Dayrta iyo mugdiga jiilaalka ha ka baqin! 😌✨ Baro sida loo ga hortago murugada aan dhicin, loo helo farxad, iyo sida maskaxda loo beddelo si xilliga dayrta ay kuu gu noqdo mid wax soo saar leh. 🌟 3 talooyin fudud: diiradda saar, kuwaan soo socda! 🍁💪
2025-08-28
41 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP11: Ma adigaa haya hoggaanka noloshaada 🚀 mise kuwani? 🤔💭😟⏳
Bismilaah; ✨ Qaybtan waxaan ka hadleynaa khatarta ugu weyn ee aan badanaa iska indha tirno: wax samayn la'aan (Doing nothing) . Mararka qaar nasashada ujeeddo leh 🧘♂️ waxay nolosha keentaa degenaansho, balse marka fikir badan 💭, cabsi 😟 iyo dib u dhigista ⏳ ay xukunka qabsadaan , waxaad ku dambayn doonaa waxba qabanin. Haddaba, ma adigaa haya hoggaanka noloshaada mise kuwani? 🌅💪
2025-08-22
33 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP10: 🌸 Quruxda Kala Duwanaanta 🌸(Ma fiyoorahaa mise waa Fikirkayga)
Bismilaah; Episode-kan waxaan ku eegaynaa sida dunida ubaxyadu inoogu barayaan casharro muhiim ah 🌼. Midabyo kala duwan, udug kala duwan, iyo xilliyo kala duwan, dhammaantood waxay ka tarjumayaan kala duwanaanta bani’aadamka 🌍. Quruxdu ma ku jirtaa isku ekaanshaha? Maya! Quruxdu waxay ku jirtaa kala duwanaanta, fahamka, iyo aqbalaadda. 🫶✨ Dhagaysi wacan!
2025-07-17
34 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP9: Hordhaca taxanaha "Ma fiyoorahaa mise waa fikirkayga?"
Bismilaah; 🎙️ Qeybtan hordhaca ah ee taxanaha cusub, waxaan si tartiib ah ugu guda galeynaa ka faa’iidaysiga ubaxa 🌸 iyo halka uu nolosheena ka shabaho. Muxuu adigu ku xasuusiyaa ubaxu? 🌷💭 Qurux? Xilli roobaad? Xasillooni? Mise wax kale? FG: Arrimo farsamo dartood ayay xalqadan dib u dhac ku yimid. Sida caadiga ah waa la soo gelin lahaa Khamiista. Mahadsanid dulqaadkaaga. 💛
2025-07-13
06 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP8: Markii Aan Dib Isu Eegay… 90-kii Labaad ee 2025-ka!
Bismilaah; Qaybtan cusub ee podcast-ka, waxaan milicsanayaa 90-kii maalmood ee labaad ee sannadka 2025. Wixii aan ku guuleystay, meelaha aan ku liitay, iyo halkii aan ka qaldamay. Waxaa intaas dheer, waxaan dib u eegayaa sida stress-ku uu uga yimaado waxyaabaha aan dayacno, iyo sababta ay muhiim u tahay in aan mar walba dib isu toosinno, jihadeenna saxno, kuna talaabsanno koboc. 🎯 Marka adiga, sidee bay kuu dhaafeen 90-kii maalmood ee lasoo dhaafay? Maxaad ka baratay, maxaadse diyaar u tahay inaad ku hagaajiso 90-ka xiga?
2025-07-03
21 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP7: Capture It, Before It Fades ⏳✍️
Bismilaah; ⚠️📢Shanqadh ayaa ka yeeraysa qaybo ka mid ah xalqadan🔊 Waad ku mahadsantahay samirkaaga iyo sida aad mar kasta ii dhagaysato ❤️. Qaybtan 📖 waxaan ku eegaynaa sida xusuustu 🧠 ay daciif u tahay, una libdho 🫥, iyo muhiimadda ay leedahay in la qoro ✍️ si aan dib ugu laabanno waqtiyadaas 🕰️. 📸✨
2025-06-26
11 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP6: Marka Maskaxdu Buuxsanto… Dhaqaaq! 🚶♀️🌀
Bismilaah; 🌿 Dabeecadda oo dhan way socotaa ☀️🌙🌬️☁️ Maalinta, habeenka, cirka, dabaysha. Inaguna sideen u dhaqaaqnaa jir ahaan 💪, dareen ahaan 💭, iyo ruux ahaanba 🕊️? 🎧 Qaybtan waxaan ku eegaynaa muhiimada dhaqaaqa si aan u helno caddayn nolosheenna ah. Dhagaysi wacan! 🎙️✨
2025-06-19
17 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP5: Roobku muxuu ku xasuusiyaa? 🌧️🪷💭☔️
Bismilaah; Roobku waa raxmad ☔️, waa xasuus 💭, waa bilow cusub 🌱. Qaybtan cusub ee 🎙️ podcast-ka, waxaan ka hadlaynaa sida roobku inoo xasuusin karo imaan 🕌, rajo iyo nafis. Mararka qaar qalbigeennu wuxuu noqdaa sida dhul qallalan oo kale 😔 laakiin roobka raxmadda Ilaahay 🤲🏽 ayaa soo da’a, qalbigana dib ayuu u noolaadaa 💚. Dhageyso ➡️ Ka fakir ➡️ Na La wadaag, adigoo isweydiinaya: "Roobku muxuu i xasuusinayaa?" 🌧️💬
2025-06-12
15 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP4: Wareeji Qalinka,✍️Dhaqaaji Maskaxda🧠 Sirta Tijaabinta Xirfadaha 🔓Cusub
Bismilaah; Ma ogtahay in barashada hal xirfad cusub ay u shaqeyso maskaxdaada sida jimicsi ugu yahay jirkaaga? 🏋️♂️ Soo ogow faa'iidooyinka qarsoon ee lagu furfuro maskaxda—iyo sababta ay muhiim u tahay in mar walba aad is tijaabiso 🔍
2025-05-30
36 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP3: Xagee ayaad maanta joogtaa? 🌊🦆
Bismilaah; Xagee ayaad maanta joogtaa? Mararka qaar, waxaan u ekaan karnaa kuwo deggan ama xasilloon , laakiin gudaha waxaa ka socda dadaal, korriin iyo isku day. Qeybtan waxaan uga sheekeynayaa mallard-ka, geedaha, iyo buugaagtii aan akhriyey, iyo sida ay noo tusinayaan in dadaalka qarsoon uu ugu dambeyn keeno midho. 🎧🌱🦆 Dhageyso si aad u xasuusato, in dhaqaaq kastaa uu qiimo leeyahay — xitaa kan aan la arkin.
2025-05-22
19 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03EP2: Dib u soo kabashadu ma dib u dhacbaa mise? 🍂➡️🌼
Bismilaah; Haddii aad dareentay daal, hoos u dhac, ama waqti aan xasilloonayn, waa caadi. Dib u soo kabashadaadu waa qeyb ka mid ah safarka. Waa astaanta ubax cusub oo soo bixi doona. Xilli walba wuxuu leeyahay saameyn, geed walbana wuu xasuustaa qabowgii uu ka soo gudbay. Qeybtan, waxaan ka hadlaynaa sida dabeecaddu noogu noqoto muraayad. Haddii geedaha ay markale ubaxaan (Caleemo yeeshan) adiguna waad awooddaa.✨ Dhageyso si aad u hesho xasuusin qalbigaaga taabanaysa. 🌱🕊️
2025-05-15
18 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SEO3EP1: Waxa Kaa Agdhow Ma Aragtaa?🌿☀️👀 (Theme intro)
Bismilaah; Ku soo dhawaaw kalfadhigan saddexaad, kaas oo kaliya naga codsanayaa hal shay: in aan is-joojino 🌿, eegno 👀, oo aan dareenno 🤲🏽. Waayo markaad aamusto 🤫, waxaad maqashaa codad kale, biyo dhaqaaqaya 💧, dabeyl 💨, iyo qalbigaaga ♥️. Qeybtan, waxaan bilaabaynaa safar cusub 🚶🏽♀️🛤️ oo ku saabsan fahamka 🧠, fiirsashada 🌸, iyo koboca gudaha 🌱
2025-05-08
14 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE03: Hordhac (Trailer) Kalfadhigii 3-aad: Fahamka Abuurka Alle iyo ka ficil qaadashadiisa!
Bismilaah; Xilli cusub oo degganaan iyo ubax ah ayaa bilowday. 🌸 - Marka nafta waan xaadiri doonaa, waan u fiirsan doona 🌿 - Sheekooyin ka imanaya Abuurka Alle sida, ubax, geedaha iyo xayawaanada, iyo qoraal kaa caawinaya inaad is fahamto. ✍️ Ku soo dhawoow Season-ka 3aad.✨
2025-05-01
03 min
Hab Fikirka Tarmuuska
Best of Season 2 ✨🧠💭⚡✍️
Bismilaah; Qeybtan dib u eegista ah waxaan ka soo xulnay dhawr cashar oo Season 2 ka mid ahaa, kuwaas oo si qoto dheer u taabtay: 🧠 Maskaxda & rumaynta nafta ✨ Awoodda lagu gaaro yoolal (Dua Board) 🌟 Quruxda ku jirta inaad adigu ahaato (Duwanaashadaadu waa awood) ⚡ Iyo sababta aan uga baqno ficilka Haddii aad rabto inaad dib u eegto safarka fikirka & koritaanka , hadaba tani waa qaybtaada.
2025-04-25
23 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE02EP16: Saddexdan Qodob Ayaa Hab-Fikirkayga Bedelay – Season 2 (Final episode)
Bismilaah Sidee ayay 16-ka qeyb ee Season 2 u beddeleen fikirkeyga, nolosheyda, iyo ducadeeydaba? 🧠✨ Qeybtaan waxaan kula wadaagayaa 3 qodob oo noloshayda si gaar ah u taabtay, iyo sida aad adiguna ficil uga dhigi karto. Waxaa intaa dheer: wax yar oo kuu iftiiminaya waxa ku sugaya toddobaadyada soo socda. Waa gunaanad, waa xasuus… waa bilow cusub! 🌙🚀
2025-04-17
32 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE02EP15: Ma Dooneysaa Inaad 90 Maalmood Is Beddel Ku Samayso? 🌱
Bismilaah; Ma ogtahay in 90 maalmood oo kaliya aad ku beddeli karto maskaxdaada, jirkaaga, iyo ruuxdaada? 🎯 Qaybtan waxaan ku qaadaa dhigaynaa: 🧠 Hal wax oo maskaxdaada kobcinaya 💪 Hal ficil oo jirkaaga xoojinaya 🕊️ Hal tallaabo oo ruuxaaga sare u qaadaysa ✨ Haddii aad rabto in 90-ka maalmood ee foodda inagu soo haya ay noqdaan kuwii ugu qiimaha badnaa, halkii saxda ahayd ayaad timid! Dhagaysi wacan! 🎧
2025-04-11
14 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE02EP14: Adiga Aan Weli Dhiirranin (The You That Hasn’t Been Brave Yet) The Mindset shift serie
Bismilaah; 90-kii maalmood ee ugu horreeyey 2025 waa dhammaadeen. Siduu ahaay safarkaagii? Maxaad Haleeshay? Maxaad seegtay? ⏳🤔 🔹 Ma ogtahay in qayb cusub ay kugu jirto, balse u baahan inaad soo saarto? 🚀 🔹 Ha noqon qof aasa qayb asaga ka mid ah. Baro, tijaabi, oo hel qaybta adiga kaa maqan! 🔥 Dhagaysi wacan!
2025-04-03
13 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE02EP13: Ku Sagooti Su’aashan Ramadaanka 1446/2025! ✨
Bismilaah; Qaybtan waxaan diiradda saaraynaa sagootinta Ramadaanka 2025 si qoto dheer oo xusuus mudan. 🕌✨ Waxan halkan qaada dhignay saddex su’aalood oo kaa caawinaya inaad ka tagto qayb ka mid ah naftaada sannadkan, si aad sanadaha dambe dib ugu milicsato Ramadaankan gaarka ah. Ma doonaysaa inaad ka tagto xusuus kaa farxisa marka aad dib u jaleecdo? Hadba Ila qor🎤✍️ Dhageyso oo qoro xusuustaada maanta! 🚀
2025-03-27
18 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE02EP12 Ducadaada Weynee! Ha Seegin 10-ka Habeen ee Ugu Khayrka Badan 🌙🤲🏽
Bismilaah; 10-ka habeen ee ugu fadliga badan waa nala soo gaadhay! 🌙✨ Xalqadan gaaban, waxaan ka hadli doonaa muhiimadda ducada iyo sida aan uga faa’iidaysan karno fursadan gaarka ah. 🤲🏽💫 Ha moogan!
2025-03-20
08 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE02EP11 Marti Gaara:Iftin! Jimicsiga & Ramadaanka Maxay Wadaagaan? 🎙️🏋🏽
Bismilaah; Ramadaan & Workout! 🌙🏋️♂️ Ma la jaanqaadi kartaa jimicsiga inta lagu jiro soonka? Xalqaddan, waxaan la falanqeyn doonaa marti khibrad leh si aan uga faa’iidaysano Ramadaanka si aan u dhaqaaqno! Dhagayso si aad u ogaato sida Ramadaanka iyo jimicsigu iskula jaanqaadi karaan! 🎙️✨
2025-03-14
36 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE2EP10: 5 Talo oo Kaa Caawinaya Xoojinta Ruuxda & Jidhka! 🤲✨ Fududee Ramadan-kaaga
Bismilaah Xalqaddan waxay ku saabsan tahay 5 talo oo sahlan oo kaa caawinaya inaad Ramadaanka uga faa’iidaysato si fudud, nafci badan, oo ajar badan leh. 🕌✨ Waxaan ka hadlaynaa sida aad uga faa'iidaysan karto neefsashada si ay kuu caawiso, niyad sax ah u dejisato dhammaan camalkaaga, isku dheelitirto cibaadada iyo nolol maalmeedka, iyo sida loo xakameeyo waqtiga iyo baraha bulshada si aad u korto ruxiyan. 📿⏳ Dhagaysi wacan!
2025-03-06
23 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE02EP9: La Fadhiiso Shamso & Fatush 🕌💫 Ramadaanka!
Bismilaah; Marti Gaara! 🎙️ Xalqadan cusub ee Ramadaanka, waxaan la fariisannay marti gaar ah: Shamso iyo Fatush! 🌙✨ Waxaan si qoto dheer uga hadalnay sida loogu diyaargaroobo bishan barakaysan, muhiimadda barashada Ilaahay 🕌, iyo sida ducadu uga dhigan tahay furaha barakada iyo dhabta nolosha 🤲. Waa sheeko xiiso leh, oo qoto dheer oo ka buuxaan talooyin qiimo badan – ha moogaanin! 🎧💡
2025-02-27
51 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE02EP8: Xagee u Socotaa? – Hel Caddeyn iyo Jihayn Dhaba 🚀📍 (The mindset shift serie)
Bismilaah: Xalqaddan waxa aynu ku lafagureynaa su’aasha muhiimka ah ee ah: Sidee ku ogaan kartaa waxa aad doonayso inaad noloshaada QABATO—hadday tahay shaqo, korriin shaqsiyadeed, ama horumar ruuxi ah? 🛤️✨. Waxaan kuu diyaarinay su’aalo xeel dheer oo kaa caawin doona inaad hesho caddeyn iyo jihayn sax ah, adiga oo si miyir leh u qorsheynaya mustaqbalkaaga. Dhagaysi wacan 🎧✨
2025-02-21
19 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE2EP7 Ma' daciifnimaa Mise waa Awood? 💪✨ Sida Aad Uga Faa'iidaysan Karto Xaalad Walba. (The mindset shift)
Bismilaah Mararka qaar awooddeena dhabta ah waxay ku qarsoon tahay wax aan horey u u aaminay inay yihiin daciifnimadeenii! (Weaknesses)🎭✨ Qeybtan, waxaan ku qaadaa-dhigi-doonaa sheekada wiil yar iyo judo-ha waxa kala qabsaday, muhiimadda ay leedahay in la barto hal xirfad, iyo sida aad u aqoonsan karto awoodaada qarsoon. Waa waqtigii aan aragtideena bedeli lahayn! 🚀 Dhagaysi wacan 🎧😊
2025-02-13
21 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE2EP6 Fikirkaaga Bedel, Noloshaada Bedel: 🧠💡Taxane cusub "Isbeddelka Maskaxda" (The Mindset Shift)
Bismilaah; Ku soo dhawoow qaybta lixaad oo ah bilowga taxanaha the mindset shift 'Isbeddelka Maskaxda' 🌟, halkaas oo aan ku sahminayno sida fikirkaaga u beddeli karo noloshaada. Maanta, waxaan falanqeyn doonaa oraahda caanka ah ee Henry Ford: 'Haddii aad aaminsan tahay inaad awooddo ama aadan awoodin, labadaba waad saxantahay.' 🤔 Waxaan sidoo kale wadaagi doonaa sheekooyin dhiirigelin leh oo muujinaya awoodda isbeddelka maskaxda. 💡 Dhagaysi wacan! 🎶
2025-02-06
20 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE2EP5: Fatush & Vision Board: Xaqiiqo Ka Dhig Yoolalkaaga! 🎯✨
Bismilaah; Marti Gaara! 🎙️ Xalqadan waxaan marti ku inoogu ah Fatush, martideennii ugu horreysay ee podcast-kan! 🎙️✨ Wada sheekaysigeenu wuxuu ku saabsan yahay Vision Board—sidii aad yoolalkaaga uga dhigi lahayd kuwo muuqda, la taaban karo, oo la gaari karo. 📌🎯 Ma isticmaashaa Vision Board? Mise sanadkan ayaad qorshaynaysaa inaad tijaabiso? 🤔✨ Dhagaysi wacan! 🎧
2025-01-30
27 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE02EP4 U Qorshee Sannadkaaga Hab Fudud: U Adeegso Quarterly Quest🎯✨
Bismilaah ; Sidee Ayaad U Qorsheyn Kartaa Sannad Guuleysta? 📆 Qaybtan isbuucan waxay ku saabsan tahay qorista iyo qorshaynta sannadka cusub. Waxaan kuu soo bandhigayaa qaaciddada "Quarterly Quest" – hab fudud oo aad sannadkaaga ugu qorshayn karto 100 maalmood. 🎯 Sadex waxyaabood oo muhiim ah oo aad sedexdii biloodba xoogga saarto ayaa kaa caawin doona inaad si cad u wajahdo himilooyinkaaga sannadlaha ah. Dhagaysi wacan📝✨
2025-01-23
23 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE2EP3 Maxaad Ka Baratay 2024? Dib U Milicsi iyo U Diyaargarowga 2025
Bismilaah; Sidee buu 2024 kuu ahaa? 🤔✨ Qaybtan, waxaan kaga hadlaynaa muhiimadda dib u milicsiga sannadka, qiimaha shukrinta, iyo sida looga faa'iidaysan karo casharrada sannadka tegay si loogu bilaabo 2025 si firfircoon oo guul leh. 🎯💡 Dhagaysi wacan! 🎧📚
2025-01-16
26 min
Hab Fikirka Tarmuuska
S2EP2: Marmarsiyahaagu maxay kaa hor taagan yihiin? 🌟❌✨
Bismilaah; Hormarka nolosha isbeddel ayuu ku jiraa – markaad maqashid ereyga isbeddel, maxaa maskaxdaada kusoo dhaca?🎯 Aniga, "Ficil la'aan". ficil la'aan isbeddel ma imaanayo, laakiin marmarsiyooyinka ayaa inta badan na xannibaya. Qaybtan, waxaan kula wadaagi doonaa marmarsiyooyinkii iga hor istaagay inaan sameeyo podcast muddo dheer. 😅 Marmarsiyahaagu maxay kaa hor taagan yihiin? Maanta se diyaar ma u tahay inaad bilowdo safarkaaga? Dhageysi wacan! 🎧✨🫖
2025-01-09
31 min
Hab Fikirka Tarmuuska
S2Ep1: Trailer (Hordhac) Kalfadhigii 2-aad: Fahamka Nafta iyo Isbeddelka Nolosha
Bismilaah; 🔊 Allah subhanahu wa ta'ala wuxuu yiri: 'Ilaahay ma beddelo xaaladda qoom ilaa ay beddelaan waxa ku jira nafsaddooda.' (Qur’aanka 13:11) ✍️ Tani waxay ina xasuusinaysaa in isbeddelka dhabta ah uu ka bilaabmo gudaha. Qoraalku waa mid ka mid ah aaladaha ugu awoodda badan ee lagu ogaan karo waxa aan u baahanahay inaan beddelno si aan u gaarno qofka aan rabno inaan noqono. Ku soo dhawaaw gogal-dhiga Kalfadhigii 2-aad ee Hab Fikirka Tarmuuska! 🎧
2025-01-03
03 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP15 Macsalaamee 2024: U Dir Naftaada Hadyad Farxad Leh
Bismilaah; Qamiista ugu dambaysay ee sannadkan 🗓️✨, waxaan warqad dhiirrigelin ah u qorannay nafteena mustaqbalka 💌. Warqaddan waxay noo tahay fursad aan ku sawiranno guusha 🌟 iyo qofnimada aan rabno inaan noqono sannadka soo socda, Insha Allah 🙏. Sidoo kale, waxaan kuu rajeynayaa sannad cusub oo barwaaqo leh 🌱✨, guulo faro badan oo kaa farxiya 😊🏆, iyo horumar joogto ah 📈. Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa inuu kuu fududeeyo waddo kasta oo wanaag kuu horseedda 🤲💖. Dhagaysi wacan! 🎧
2024-12-26
14 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SEO1EP14 Maxaa Go’aamiya in Lagu Guulaysto ama Lagu Guuldaraysto Caadooyinka Sannadka Cusub?
Bismilaah; Caawa waxaan ka hadlaynaa sababta caadooyinka qaar u hirgalaan halka kuwa kalena ay fashilmaan. 🕰️📉 Waxaan si gaar ah diiradda u saarnaynaa... Doorka wakhtiga uu qofku wax bilaabayo 🕒✨. Dhibaatada ka dhalata bilaw caado cusub oo niyad yari iyo sabab la’aan ku dheehan tahay 🚧😟. Sida aan uga faa’iidaysan karno bishan December iyo maalmaheeda ugu dambeeya si aan u gaadhno horumar waara 🍂🔥. Dhagaysi wacan! 🎧🌟
2024-12-19
15 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP 13 Waa maxay Faa’iidada ‘Peak-End Rule’? Sida Loo Qaabeeyo sannad Guul iyo Xusuus Leh 2024
Bismilaah; Qaybtan waxaan si qoto dheer uga hadlaynaa: Muhiimadda maalmaha ugu dambeeya 2024 🗓️ iyo sida looga faa’iidaysan karo. Shidaalka aan ka qaadan karno maalmahan yar ee haray, si aan si wanaagsan ugu qaabeeyno sannadka 2025 🌱🔥. Diyaar ma u tahay inaad sanadkan si xikmad leh u soo gabagabeyso? 💡 Ku soo biir ka miradhalinta maalmahan ugu dambeeya ee 2024! Dhagaysi wacan! 🎧
2024-12-12
14 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SEO1EP12 Waa Maxay 3-da Waxyaabood oo Focus-keena Dila, Sideese Looga Hortagi Karaa? 🧠🚀 ( Casharadii November)
Bismilaah; ✨ Maxaad Ka Baratay Bisha November? 🎯🚀 Qaybtan waxaan ka wada hadlaynaa: 🔍 3 caqabad oo si toos ah u dhaawaca diiradda saarida (focus) 🛡️ Sida aan uga hortagi karno caqabadahaas si aan u joogtayno guulaha 🎙️ Casharadii ugu muhiimsanaa ee aan ka faa’iiday bishii November Maxaa adigu bishan ka baratay? 💭 Igula wadaag Instagram-ka cusub ee Podcast-ka: @Hab Fikirka Tarmuuska Podcast 📲💬 Dhagaysi wacan! 🎧 https://www.instagram.com/hab_fikirka_tarmuuska_podcast_?igsh=cHc1eWVhd2szbXV4&utm_source=qr
2024-12-05
37 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP11 Sidee Loo Qori Karaa Qorshe Usbuuc oo Wax-ku-Ool ah? 🗓️ Mar Kale iyo Ila Qor part 05: Jadwalka Usbuuca 📋
Qaybtan waxaan ku faaqidnay: ✅ 5 qodob oo muhiim ka dhigaya qorista jadwalka usbuuca ❓ 5 su’aalood oo kaa caawinaya inaad qorto jadwal fudud oo waxtar leh 🔍 Qiimaynta loo baahan yahay si loo ogaado wixii hagaagay iyo wixii u baahan in la toosiyo Maxaad adigu adeegsataa si aad u maarayso hawlaha kuu yaalla usbuuca? 🤔🖊️ Dhagaysi wacan! 🎧✨
2024-11-29
30 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP10 Waa maxay saddexda caqabadood oo riyooyinka naga hor istaaga? 🚫🌟🛑
Bismilaah; Caawa waxaan podcast-ka kaga hadlaynaa: Saddex sababood oo naga hor istaaga riyooyinkeena ⛔🛑🚪 🌟, saddex waxyaabood oo ay tahay inaan carruurta uga dayano 👶✨, iyo su’aal xiiso leh oo dib kuugu celinaysa xusuusta carruurnimadaadii 🎠. Dhagaysi wacan! 🎧💡
2024-11-21
32 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP09 Sideen Maalinteena Uga Dhignaa Mid Micno Leh oo Guul Ku Dhammaata? (Ila Qor part 04)
Bismilaah; Qaybtan waxaan ku wada ogaan doonaa su’aalo hagaya qofka si uu naftiisa u iftiimiyo, una fahmo waxa runtii mudan in uu xoogga saaro maalintiisa 🌅📝. Ma jiraan su’aalo gaar ah oo aad is leedahay waa muhiim in la isweydiiyo si maskaxdu ugu iftiimiso yoolalkeeda? 🤔✨ Halkan waxaan ku wadaagi doonaa labo su’aalood oo ay habboon tahay inaan u fariisanno, si ay nooga caawiyaan inaan si qoto dheer u fahanno muhiimadaha mudnaanta iyo waxqabadka habboon 🌱💭. Dhagaysi wacan! 🎧
2024-11-14
17 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP08 Waa maxay saddexda cashar ee aan bisha Oktoobar ka bartay?
Bismilaah; Sida xilli-roobaadka 🌧️, jiilaalka ❄️, iyo xagaaga 🌞, ayuu qofkuna wuxuu leeyahay xilliyo uu ku jiro heerar kala duwan oo nafeed. Maaddaama aan ku guda jiro "season-ka" barashada Ilaahay 🌿, qaybtan waxaan kula wadaagi doonaa saddex ka mid ah casharadii ugu qiimaha badnaa ee aan ka bartay bishii Oktoobar 🌌✨. Intaa waxaa sii dheer, waxaan ku faaqidi doonaa qiso MRI oo xiiso ii lahayd markii hore iyo markii danbe wixii nakala raacay 🖤. Dhagaysi wacan! 🎧
2024-11-07
29 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP07 Sida loo qoro dib-u-eegista bisha (Monthly review) Ila Qor part 03
Bismilaah; Qaybta 7-aad ee podcast-keena, waxaan ku falanqeyn doonaa dib-u-eegista bishii tagtay 📅✨. Waxaan dhex mari doonnaa 9 su'aalood oo milicsiga bisha ah 🧐 iyo 3 su’aalood oo la xiriira qorshaynta bisha soo socota 📝. Bisha Oktoobar, ha moogaan inaad dib u milicsato dareenka iyo xaaladaha kuu gaarka ah, si aad u fahamto oo u kobciso naftaada. Su’aashu waa: ma lagama maarmaan baa in bil kasta hal mar la milicsado? 🎙️ Dhagaysi wacan!
2024-10-31
28 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP06 Labo Sababood Dartood U Qor!
Qaybta 6-aad waxaan kaga hadlaynaa "Haddii aan nala xasuusin, xasuusan mayno" 🤔💭. Qaybtan, waxaan falanqeyn doonaa labo sababood oo muhiim ah oo ay tahay in aan u qorno fikradaha iyo xusuusta 📚✍️. Sidoo kale, waxaan ku qaadaa dhigaynaa labo tusaale oo shaqsi ah oo na tusinaya in aan wax ilowno, balse Allah iloobin, iyo sida dhiirigalin ugu jirto waxa aan horay u qornay 🌟📝. Dhagaysi wacan! 🎧✨
2024-10-24
22 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP05 : Waa maxay faa'iidooyinka qorista fikirrada subaxdii? (Morning Thoughts) Ila Qor Part 02
Qaybtan 5-aad ee podcast-keena, waxaan kaga hadlaynaa muhiimada qoraalka fikirrada subaxnimo (Morning thoughts) 🌅📝. Sidoo kale, waxaan dul istaagaynaa khasaaraha ka dhalan kara marka aan la qorin fikradahaas—mid dhaqaale 💸 iyo mid nafba leh 💔. Maxaa looga jeedaa "shabeelka" 🐆 aan iska ilaalinayno, iyo "faraska" 🐎 aan daajinayno? Jawaabahaas iyo kuwo kale oo badan ayaad ka heli doontaa qaybtan. Dhagaysi wacan! 🎧✨
2024-10-17
37 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP04: Waa Maxay FutureMe? Maxayse kaa caawinaysaa? Ila Qor part 01
Qaybtan 1.aad ee 'Ila Qor' waxaan uga hadleynaa waxa aan qorayno, halka aan ku qorayno, iyo sababta muhiimka ah ee ka dambeysa ku qorida Futureme. 🤔 Waa safar lagu ogaanayo sida xusuusta iyo qoraalku isugu xidhan yihiin, oo aan dib ugu milicsaneyno waxa nolosha mid xasuus mudan ka dhigaya. 🤔 Dhagaysi wacan!😊
2024-10-11
25 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP03: Qoraalka iyo Qalinka: Afar Qodob Oo Muhiim Ah.
Bismilaah; Kahor intaanan bilaabin qoraalkeenii ugu horreeyay, waxaan qaybtan ku xusnay qayb ka mid ah awoodda qalinka iyo muhiimadda uu leeyahay. Sidoo kale, waxaan kula wadaagay afar sababood oo muhiim ah oo ay tahay in aan qoraallo u qorno. 😊✨ Dhagaysi wacan!
2024-10-10
24 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP02 : Waa maxay 4 Caadooyin oo Naga Hortaagan Isbeddelka!
Bismilaah; Hab fikirkee ayay adiga kula tahay inuu noqon karo caqabadda ugu weyn ee qof ka hor istaagi karta inuu isbeddel ama horumar sameeyo? Qaybtan 2-aad waxaan maanta ku falanqeynaynaa 4 qodob oo qofka u diida inuu tallaabo qaado si uu isbeddel u sameeyo. Nasiib wanaag, waa wax la bedeli karo haddii qofku uu habka fikirkiisa kaliya beddelo. Dhagaysi wacan! 😊
2024-10-06
26 min
Hab Fikirka Tarmuuska
SE01EP01: Gogoldhig /Is barasho /Why Hab fikirka Tarmuuska?
Bismilaah; Xalqadan 1.aad waxay gogoldhig u tahay xalqadaha kale oo soo socda, sidoo kale waxay sawir kaa siinaysa sababta Podcast-ga "Hab Fikirka Tarmuuska" luugu magac daray (Hadaba ila dhagayso 3.dexda shaqsi ee aadanuhu u kala baxo, labo waan iska ilaalin doonaa inaan noqono , halka aan hal ka mid ahna ku dedaali doono noqoshadiisa). Sidoo kale wax ka ogoow xalqadaha soo socda waxay xambaarsanaan doonaan Insha Allah. Dhagaysi wacan!
2024-10-03
11 min
Hab Fikirka Tarmuuska
Hordhac: Trailer
Bismilaah, Tarmuusku waxaan aaminsanahy in uu ka mid yahay alaabta hoy kasta oo bini aadam laga heli karo, hoy soomaliyeedna warkiiba daa. Mise is waydiisay halka aan Tarmuuska ka shabahno? Nafteenu sida Tarmuuska oo kale ayay u baahantahay in laga rogo wixii aan anfacaad u lahayn, la' carfiyo kadibna lagu shubo wax cusub. Ku soo dhawaaw Hab Fikirka Tarmuuska by Hodan Hilmi.
2024-09-24
02 min