Look for any podcast host, guest or anyone
Showing episodes and shows of

Ismaaciil C Ubax

Shows

Codka UbaxCodka UbaxSE05EP06 Bani'aadannimo Maxay Tahay?Send us a textDr. Ciise Cabdi Jaamac waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn. Waxa uu daweeyaa dad ku nool dhulal aad u fog oo ay ka jirto baahi caafimaad. Waxa aynu kala sheekaysan doonnaa qiimaha ay leedahay in dadka loogu adeego bani’aadannimo. Dhegaysi wacan!Support the show2025-07-1542 minCodka UbaxCodka UbaxSE11EP04 Sirta MaankaSend us a textCabsi, murugo, werwer, walbahaar, iskubuuq.. intaasiba waa xaaladaha fudud ee qofka soo wajahi kara, dhanka caafimaadka maanka. Asma Dhamac oo ku takhasustan cilmigan ayaa ka warramaysa. Dhegaysi wacan!Support the show2025-01-3137 minCodka UbaxCodka UbaxSE11EP03 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhal Gobeed"Send us a textWaa barnaamijka Fanka & Suugaanta. Waxa ku casuuman Rawda Cabdiwahaab "Dhal Gobeed". Dhegaysi wacan!Support the show2025-01-2430 minCodka UbaxCodka UbaxSE11EP02 Qaxii SuudaanSend us a textDagaalka Suudaan ka qarxan sannadkii 2023-kii, sidee ayuu saameeyay dhallinyarada Soomaalida ah ee halkaas wax ka dhigan jirey? Daawasho wacan!Support the show2025-01-181h 04Codka UbaxCodka UbaxSE11EP01 ABDI ADDESend us a textABDI ADDE waa muuqaalsameeye ku shaqaysta telefoonkiisa, muuqaallo qurux badanna soo gudbiya. Dhegaysi wacan!Support the show2025-01-0730 minCodka UbaxCodka UbaxSE10EP04 Waan Is Guursannay 4Send us a textWaa qaybtii 4-aad ee taxanaheenna "Waan Is Guursannay", sidoo kale waa qaybtii u dambaysay ee sheekada Farxaan iyo Rooda. Dhegaysi wacan!Support the show2024-10-0436 minCodka UbaxCodka UbaxSE10EP03 Waan Is Guursannay 3Send us a textWaa qaybtii saddexaad ee barnaamijkeennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan!Support the show2024-09-2317 minCodka UbaxCodka UbaxSE10EP02 Waan Is Guursannay 2Send us a textWaa qaybtii labaad ee taxanaheennii "Waan Is Guursannay". Dhegaysi wacan!Support the show2024-09-1615 minCodka UbaxCodka UbaxSE10EP01 Waan Is Guursannay 1Send us a textWaa taxane cusub oo la magac baxay "Waan Is Guursannay". Waxa uu xoogga saarayaa qisooyinka dhegaystayaasha ku xidhan Codka Ubax iyo jacaylada guulaystay. Waa qaybtii kowaad. Dhegaysi wacan!Support the show2024-09-1313 minCodka UbaxCodka UbaxSE09EP07 Fanka & Suugaanta: Nimcaan "Qays Galbeed"Send us a textWaa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta, waxana maanta ku casuuman abwaanka da'da yar ee Nimcaan "Qays Galbeed". Dhegaysi wacan!Support the show2024-06-2833 minCodka UbaxCodka UbaxSE09EP06 Fanka & Suugaanta: Cabdirisaaq XasiliyeSend us a textWaa mar kale iyo barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa marti ku ah Cabdirisaaq "Xasiliye". Dhegaysi Wacan.Support the show2024-05-3139 minCodka UbaxCodka UbaxSE09EP05 Qoraalka & DhaqankaSend us a textMuna Axmed Cumar waa qoraa wax ka qorta dhaqanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay isbedellada qoraalka, kuwa dhaqanka, iyo wacyiga bulshada. Dhegaysi wacan!Support the show2024-05-1032 minCodka UbaxCodka UbaxSE09EP04 Barnaamijka Caafimaadka: Qanjidka ThyroidSend us a textMaxaad ka taqaannaa qanjidhka thyroid-ka la yidhaa? Waa Dr. Mariam oo ka warramaysa isbeddelka ku yimaadda qanjidhkan iyo sida uu dadka u saameeyo. Dhegaysi wacan!Support the show2024-05-0325 minCodka UbaxCodka UbaxSE09EP03 Khilaafyada SoomaalidaSend us a textMaxaa soo celceliya khilaafyada Soomaalida, taariikh ahaan sidee loo xallin jirey, caqabado noocee ah ayaa se hor taagan in tabashooyinka la xalliyo? Mawduucan waxa aan kala sheekaystay Cabdiraxmaan Sheekh Xasan "Musaabaqo". Dhegaysi wacan!Support the show2024-04-2633 minCodka UbaxCodka UbaxSE09EP02 Fanka & Suugaanta: Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed"Send us a textWaa barnaamijkeennii Fanka & Suugaanta. Waxa maanta marti ku ah Rawda Cabdiwahaab "Dhalgobeed". Dhegaysi wacan!Support the show2024-04-1930 minCodka UbaxCodka UbaxSE09EP01 Khalad-fahanka Baraha BulshadaSend us a textSiyaabo gurracan ayay Soomaalidu inta badan u adeegsataa baraha bulshada. Waxa aannu sheekaysannay Cabdillaahi Xasan Ganey. Dhegaysi wacan!Support the show2024-04-1224 minCodka UbaxCodka UbaxSE08EP06 Waa Layga Guursaday 13Send us a textWaa taxanihii "Waa Layga Guursaday", qaybtii 13-aad. Dhegaysi wacan!Support the show2023-12-1012 minCodka UbaxCodka UbaxSE08EP5: DhuusamareebSend us a textWaxa aannu magaalada Dhuusamareeb kula kulannay Prof. Axmed Salaad oo aanu kala sheekaysannay isbeddelka dhaqanka ku socda. Dhegaysi wacan!Support the show2023-11-1044 minCodka UbaxCodka UbaxSE08EP04: HadhiwaaSend us a textHadhiwaa waa buugga cusub ee uu qoray Maxamed Haldoor, kaas oo uu kaga warramayo waayihiisa caafimaad iyo isbeddelkii ku yimid. Dhegaysi wacan!Support the show2023-10-271h 03Codka UbaxCodka UbaxSE08EP03: Murtida Maansada UrugoSend us a textMaansada Urugo waxa ay ku saabsan tahay qiso xanuun badan oo uu ka sheekayn doono Abwaan Cabdirisaaq "Bidixo", maansadeedana tirin doono. Dhegaysi wacan!Support the show2023-10-1445 minCodka UbaxCodka UbaxSE08EP02 Foosiya RindaiSend us a textWaxa aannu magaalada Stockholm kula sheekaysannay Foosiya Rindai.Support the show2023-09-2923 minCodka UbaxCodka UbaxSE08EP01 Dimuqraadiyaynta TacliintaSend us a textCabdi Maxamed Axmed waxa uu ka shaqeeyaa horumarinta afka iyo dhaqanka, waana Aasaasaha iyo Maamulaha Kitaab Cloud. Dhegaysi wacan!Support the show2023-09-1527 minCodka UbaxCodka UbaxSE07EP11 Caweyska BooramaSend us a textCaweyska Boorama iyo Codka Ubax. Dhegaysi wacan!Support the show2023-09-011h 09Codka UbaxCodka UbaxSE07EP10 BeledweynSend us a textWaxa aannu magaalada Beledweyn kula kulannay Cali Baarrey oo ah sugaanyahan, macallin iyo odhay-dhaqameed. Dhegaysi wacan!Support the show2023-08-1130 minCodka UbaxCodka UbaxSE07EP09 Qays QeyserSend us a textQofku safarka wuu isku bartaa, dadkana wuu ku bartaa, Qays Qeyser ayaynu kala sheekaysan doonnaa naftiisa, ta dadka kale iyo riyooyinkiisaba. Dhegaysi wacan!Support the show2023-07-071h 11Codka UbaxCodka UbaxSE07EP08 Waa Layga Guursaday 12Send us a textWaa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 12-aad. Dhegaysi wacan!Support the show2023-06-1637 minCodka UbaxCodka UbaxSE07EP07 Silsiladda Jacaylka ee Muxubbo-HeelloodSend us a textSilsiladda jacaylka ee Muxubbo-Heellood waxa dalka Hindiya ka bilaabay Abwaan Haldeeq. Dhegaysi wacan!Support the show2023-06-091h 34Codka UbaxCodka UbaxSE07EP06 Caweyska BurcoSend us a textWaxa aannu dadweyne tiro badan ku caweynay magaalada Burco. Daawasho wacan!Support the show2023-06-0253 minCodka UbaxCodka UbaxSE07EP05 Halista Qaabnololeedka SoomaalidaSend us a textMaxaa iska beddelay qaabnololeeda Soomaalida? Mustafe Maxamed Cali waxa uu ku takhasusay daawooyinka. Dhegaysi wacan!Support the show2023-06-0127 minCodka UbaxCodka UbaxSE07EP04 Cabdi Ciise CajuunSend us a textFanka, suugaanta, saxaafadda, jacaylka, degaanka Darroor, xerta timaweynta.. Cabdi Ciise Cajuun. Dhegaysi wacan!Support the show2023-05-1251 minCodka UbaxCodka UbaxSE07EP03 Gaalkacyo: Isbaaradu Waa QalbigaSend us a textBarnaamijkan waxa aynu ku dhegaysan doonnaa laba halyey oo naftooda u huray sidii ay dadkooda wanaag iyo jacayl uga dhex abuuri lahaayeen. Waa laba jiil oo ay shaqadoodu midaysay, yoolkooduna mid yahay.  Dhegaysi wacan!Support the show2023-05-0127 minCodka UbaxCodka UbaxSE07EP02 Waa Layga Guursaday 11Send us a textWaa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday", qaybtiisii 11-aad. Dhegaysi wacan.Support the show2023-03-0429 minCodka UbaxCodka UbaxSE07EP01 Bandhigga HangoolkaSend us a text”Bandhigga Hangoolka” iyo daahfurka madasha la yidhaa Fankeenna. Dhegaysi wacan! Support the show2023-02-2426 minCodka UbaxCodka UbaxSE06EP08 Filmmaking: Soomaalida & Tebinta SheekadaSend us a textHababka ugu saamaynta badan ee sheekooyinka loo tebiyo waxa ka mid ah samaynta filimada. Soomaalida iyo adeegsiga filimaanta ayaynu kala sheekaysanaynaa labada Soosaare ee Maan Yuusuf iyo Khaalid Siciid. Dhegaysi wacan!Support the show2022-11-0445 minCodka UbaxCodka UbaxSE06EP07 Udbaha NoloshaSend us a textCabdirixiin Siddiiq "Heello" waa halabuur maansayahan ah, halkan waxa uu kaga hadlayaa maansada iyo noocyadeeda guud ahaan, gaar ahaanna maansadiisa "Udbaha Nolosha". Dhegaysi wacan!Support the show2022-10-0951 minCodka UbaxCodka UbaxSE06EP05 Gabboodfallada CaafimaadkaSend us a textGabboodfallada caafimaadku waa maxay? Sidee loo maareeyaa marka khalad dhaco, dhibbanaha maxaa la gudboon, ma se jiraa xeer caafimaad oo dalka u yaal? Ma laga ganacsan karaa caafimaadka iyo daawooyinka, yaa se hubinaya tayadooda? Dhegaysi wacan!Support the show2022-09-241h 01Codka UbaxCodka UbaxSE06EP04 Waa Layga Guursaday 10Send us a textWaa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee Waa Layga Guursaday, qaybtiisii 10-aad. Dhegaysi wacan!Support the show2022-09-1625 minCodka UbaxCodka UbaxSE06EP03 - Jawaab Baan BaadhayaaSend us a textHaddii aad warbaahinta ka shaqaynaysay labaatankii sanno ee u dambeeyay, sidee ayaad u arki lahayd isbeddelkeeda joogtada ah? Sidoo kale, Axmed Cismaan Batuun waa abwaan curiya suugaanta, bulshadana qaybaheeda kala duwan u wacyigeliya hab uu jiil kastaa fahmayo. Dhegaysi wacan!Support the show2022-09-0945 minCodka UbaxCodka UbaxSE06EP02 - HadraawiSend us a textQof kasta oo i naga mid ah, Hadraawi wax ayuu u ahaa, kaalin ayuu igu jirey. Prof. Bulxan, Rooble Cabdi Muuse iyo Xasan Maxamed Yuusuf oo midba dhan ka eegi doono maansadii iyo shakhsiyaddii Hadraawi, ayaa ka warrami doona. Dhegaysi wacan!Support the show2022-08-301h 02Codka UbaxCodka UbaxSE06EP01 Damiirka Anaa Iska LehSend us a textWaa kalkii 6-aad iyo qaybta kowaad oo aynu la sheekaysan doonno Guddoomiyaha Xiddigaha Geeska, Cabdiraxmaan Cismaan ”Xaaji”. Dhegaysi wacan!Support the show2022-08-211h 07Codka UbaxCodka UbaxSE05EP12 Fan iyo FannaanSend us a textCumar Seerbiya waa weriye wakhti badan geliyey baadhista fanka iyo fannaanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay waxa loogu yeedho fanka reer magaalka, bilowgiisii, aragtida bulshada iyo maanta halka uu marayo. Dhegaysi wacan!Support the show2022-06-1859 minCodka UbaxCodka UbaxSE05EP11 Waa Layga Guursaday 9Send us a textWaa qaybtii sagaalaad ee taxanaheennii Waa Layga Guursaday. Dhegaysi wacan!Support the show2022-06-1017 minCodka UbaxCodka UbaxSE05EP10 Maxaa Dookhii Ku Dhacay?Send us a textWaxa aynu la sheekaysan doonnaa Ayaan Axmed Caydiid ”Kaab” oo ka warrami doonta suugaanteeda kaftanka iyo maadda huwan iyo ujeeddooyinka ay u tiriso.Support the show2022-06-0353 minCodka UbaxCodka UbaxSE05EP09 Isbedellada Nidaamka CaafimaadkaSend us a textNidaamka caafimaadka ee caalamiga ahi sidee ayuu u shaqeeyaa, maxaa se saameeya? Siyaasad ma ka madhan yahay, sidee ayuu se xidhiidh ula leeyahay ka dalalku gaarka u leeyihiin? Dr. Cabdishakuur Cali Maxamed ayaa ka warramaya taariikhda caafimaadka adduunka iyo halka uu maanta marayo. Dhegaysi wacan!Support the show2022-05-2743 minCodka UbaxCodka UbaxSE05EP08 Waa Layga Guursaday 8Send us a textWaa barnaamijkeennii WLG, qaybtiisii 8-aad. Qaybtan waxa aynu ku wadaagi doonnaa laba sheeko oo ay soo gudbiyeen laba gabdhood. Labadan sheeko waxa la kala yidhaa "Allow Hargab Ka Dhig" iyo "Inantu Aniga Ma Aha". Dhegaysi wacan!Support the show2022-05-2014 minCodka UbaxCodka UbaxSE05EP07 Kalkaalisadii Horumarisay FinlandSend us a textLaba sanno gudahood ayay ku beddeshay nolosha kumannaan qof, sidoo kalena ay ku samaysay dhaqaale dhawr milyan oo doollar ah. Fadumo Faysal Cali ”Waraabe” waa kalkaaliso aasaastay shirkad u adeegta bukaanka iyo inta jilicsan ee dalka Finland. Dhegaysi wacan!Support the show2022-05-1330 minCodka UbaxCodka UbaxSE05EP06 Ciid WanaagsanSend us a textCarruurnimadaadii, sidee ayaad u ciidi jirtey? Su'aashan ayaannu weydiinnay ehel iyo asxaab kala duwan oo maanta ku ciidayay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan!Support the show2022-05-0219 minCodka UbaxCodka UbaxSE05EP05 Dalxiiskii RiyadaSend us a textRidwaan Iid "Hilawle" waa halabuur curiya suugaanta, sameeya laxammada heesaha, sidoo kalena ku luuqeeya cod aad loo jeclaysto. Dhegaysi wacan!Support the show2022-04-2930 minCodka UbaxCodka UbaxSE05EP4 Digrigii XubbigaSend us a textWaa silsilad-suugaaneed ka dhalatay geeri naxdin leh oo kala geysay lammaane ku ballansanaa in ay is guursadaan. Dhacdadan iyo suugaanta ka dhalatayba halkan ka dhegayso. Support the show2022-04-2239 minCodka UbaxCodka UbaxSE05EP03 Waa Layga Guursaday 7Send us a textWaa qaybtii toddobaad ee barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ka boganaynaa sheekada lammaane kala jooga Hargeysa iyo Jigjiga. Dhegaysi wacan!Support the show2022-04-1819 minCodka UbaxCodka UbaxSE05EP02 Jilaaga Filinka Xaaska XabaalqodahaSend us a textCumar Cabdi Nuux waa jilaaga filinka caanka ah ee sannadkii u dambeeyay adduunka qabsaday. Waxa aannu kala sheekaysannay hayaankiisa jilaanimo, dariiqii loo maray filinkan u dambeeyay iyo guud ahaan waayaha ku gedaaman curinta filimaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!Support the show2022-04-1553 minCodka UbaxCodka UbaxSE05EP01 Saamaynta Maalka & Maanka ee Dabka HargeysaSend us a textSaamayn dhaqaale oo muuqata ayuu dabkii Hargeysa ku yeeshay shacabka. Sidoo kale mid maskaxeed ma ku yeelan karaa? Sidee looga soo kabtaa labadaas? Waxa faahfaahin ka bixinaya Ugbaad Axmed Xaashi iyo Dr. Axmed Cabdi Xirsi. Dhegaysi wacan!Support the show2022-04-0847 minISIRKAISIRKAS2EP18. Ragga Dambe: Ismaaciil C. UbaxThis episode of Ragga Dambe is on Ismaaciil C. Ubax, a writer, content creator, and a positive social change agent. He has utilized storytelling as a tool for activism through various campaigns. Through his podcast, Codka Ubax, he sheds light on those who are storytellers, change makers and cultural carriers. In this episode though, I share a lil more about how I perceive Ismaaciil and how through his artistry and work, Ismaaciil is giving the Somali community much to be proud of and accessibility to engage with language, activism and culture. Enjoy this episode!2022-03-2921 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP15 Deegaanka & Duurjoogta: Huda Cali BanfasSend us a textWaa barnaamijka Deegaanka & Duurjoogta. Waxa aan xaaladda duurjoogta dalka kala sheekaystay Huda Cali Banfas oo shaqadeedu tahay badbaadada iyo daryeelka duurjoogta. Dhegaysi wacan!Support the show2021-12-1056 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP14: Fanka & Suugaanta: Cabdirixiin Siddiiq "Heello"Send us a textWaa barnaamijka Fanka & Suugaanta oo uu markan marti ku yahay Cabdirixiin Siddiiq "Heello". Dhegaysi wacan!Support the show2021-11-1952 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP13 Fanka & Suugaanta: Cawaale DeeqsiSend us a textWaa barnaamijkii kowaad ee ku baxa maqal & muuqaal. Qaybtani waa dhegaysi, haddii aad doonayso in aad daawato qaybtan, booqo boggayaga Youtube, adiga oo ku baadhaya magaca Codka Ubax. Barnaamijka Fanka & Suugaanta oo taxane ah waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi. Dhegaysi/daawasho wacan!Support the show2021-11-0536 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP12 Waa Layga Guursaday 6Send us a textWaa qaybtii lixaad ee taxaneheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko, ta kowaad waxa la yidhaa ”Islaan Baan Qalayay”, ta labaadna ”Igu Labee”. Dhegaysi wacan! Support the show2021-09-2412 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP11 Makhaayadda Hablaha - RinkebySend us a textBadhtamaha xaafadda ugu hadalhaynta badan magaalada Stockholm, marka ay noqoto dhanka rabshadaha, waxa ku taalla makhaayad nooceedu ku yar yahay ogaalka dadka. Waa makhaayad la yidhaa Tast of Africa oo loo furay dumarka oo keli ah. Waxa aan la sheekaystay mulkiilaha, Ubax Cumar Toosh. Dhegaysi wacan! Support the show2021-09-1019 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP10 Noocyada Jacaylka & Aragtida SuugaanyahankaSend us a textJacaylku waa maxay, imisa nooc ayuu u qaybsamaa, ma daruuri baa in wax la jeclaado mise waa dookh, ragga iyo dumarka sidee ayuu u kala saameeyaa, waa se maxay aragtida suugaanyahanka ee jacaylku? Waxa aan la sheekaystay Mawliid Aadan Biixi oo ah Qoraa iyo Suugaanyahan ku xeel dheer dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!Support the show2021-08-2041 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP09 Waa Layga Guursaday 5Send us a textWaa qaybtii shanaad ee tanaxanihii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa, "Hooyaa i Tidhi ha Guursan" iyo "Sannad Baan is Qabnay." Dhegaysi wacan!Support the show2021-08-1312 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP08 Ciid WanaagsanSend us a textCIID WANAAGSAN - Waxa barnaamijkan daaddihinaya Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey, waxana ka mid ah dadka ka qaybqaadanaya, Faysal Xawaase, Xasan Waddo, Mubaarig Qoorubaxay, Khaliif Faarax Xayir iyo Samatar Siciid Saalax. Dhegaysi wacan!Support the show2021-07-2315 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP07 Gefka Jacaylka ka DaayaSend us a textAbwaan Keyse Maxamed "Galaydh" waa gabyaa ka maansooda nolosha qaybaheeda kala duwan. Isaga oo safar ah, ka yimid Jigjiga, una socda Burco, ayaannu ku sheekaysannay Hargeysa, suugaantiisa dhanka jacaylka iyo waxbarashadana ku wadaagnay. Dhegaysi habboon!Support the show2021-07-0946 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP06 Jawhar: Jidkii Dheeraa ee SaxaafaddaSend us a textWax ka baro magaalada Jawhar oo ah halka uu ku dhashay Siciid Xagaa Afrax. Siciid oo saxaafadda ku jirey muddo 20 sannadood ah, waxa uu ka warramayaa jabkii uu u soo maray mihnaddiisa iyo sidii uu uga gudbay caqabadahaas. Dhegaysi wacan!Support the show2021-07-0230 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP05 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 2Send us a textWaa qaybtii labaad ee barnaamijkii dalxiiska ee Ceerigaabo. Qaybtan waxa aynu ku tegi doonnaa buurta Daalo. Waxa aynu subax hore ka bixi doonnaa magaalada Ceerigaabo, innaga oo ka sii quraacan doonna tuulada Karin. Waxa safarka hage ka ah Cabdirisaaq iyo Khadiija. Dhegaysi wacan!Support the show2021-06-251h 25Codka UbaxCodka UbaxSE04EP04 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 1Send us a textWaxa aannu dalxiis ku tegaynaa gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo iyo Buurta Daalo. Barnaamijku waa laba qaybood. Qaybta labaad waxa ay ku soo bixi doontaa barnaamijka kan xiga. Nala dalxiis. Dhegaysi wacan!Support the show2021-06-1859 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP03 Waa Layga Guursaday 4Send us a textWaa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday" qaybtiisii afraad. Waxa qaybtan ku jira labada sheeko ee la kala yidhaa "Jacayl-ku-xigeen" iyo "Wuu Iga Adkaa". Dhegaysi wacan!Support the show2021-06-0410 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP02 Nidaamka Doorasho ee SomalilandSend us a textDhallinyar badan oo ay da’doodu ka yar tahay 31 jir, ayaa markii u horreysay noloshooda codayn doona oo soo dooran doona Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland. Sidoo kale waxa isla mar dhacaysa doorashada Golaha Deegaanka. Barnaamijkan oo aqoonkorodhsi ah, waxa aynu ku eegi doonna taariikhda doorashooyinka Somaliland iyo marxaladaha ay soo mareen. Sidee loo qaybiyaa 82-ka kursi ee Wakiillada? Doorashadani maxay kaga duwan tahay kuwii hore? In reernimo la isku soo xulo, ma tahay dimuqraaddiyad? Waxa si waafi ah uga warramaya Garyaqaan Guuleed Dafac. Dhegaysi wacan! Support the show2021-05-2831 minCodka UbaxCodka UbaxSE04EP01 Guurso Inta Aanad Bac YeelanSend us a textQuruxda iyo degganaanshaha reerku waxa uu ku xidhan yahay isfahan dheeraad ah oo ka dhasha wadahadal iyo in si joogto ah la isu waraysto. Waxa aan Rooble Maxamed kala sheekaystay derajooyinka guurka ka horreeya iyo kuwa guurka laftiisa, sidii ay ahaan jireen iyo maanta sida ay yihiin. Dhegaysi wacan!Support the show2021-05-2152 minCodka UbaxCodka UbaxSE03EP14 La Cawee Codka UbaxSend us a textWaa maalin Jimce ah, waxa aannu ku sugan nahay beer ka mid ah beeraha waaweyn ee degmada Arabsiyo. Waxa Codka Ubax si gaar ah ugu heesaya fannaaniinta kala ah Farxiya Fiska, Mahad Gelin Hore, Yurub Geenyo iyo Cabdi Yare. Cuudka waxa tumaya Nuuradiin Cali Amaan iyo Mustafe Cabdiqays, darbuugaddu waa Cali Aanso. Nala cawee. Dhegaysi wacan! Support the show2021-04-0944 minCodka UbaxCodka UbaxSE3EP13 Hiilka Ubadka Baahiyaha Gaarka Ah LehSend us a textMaxaa looga jeedaa baahiyaha gaarka ah, weli se ma is weydiisay inta nooc ee ay u qaybsamaan. Waxa laga yaabaa in aynu u naqaanno dadka aan laxaadkoodu dhammayn, gaar ahaan kuwa aynu muuqaalkooda ka garan karno oo keli ah. Balse ma og tahay in baahiyaha gaarka ah kuwooda ugu badani aanay qofka muuqaalkiisa ka muuqan. Cabdishakuur Maxamed Cabdi oo muddo dheer u dagaallamayay xuquuqda carruurta dugsiyada dhigta ee leh baahiyaha gaarka ah, ayaannu ka waraysannay. Dhegaysi wacan!Support the show2021-04-0248 minCodka UbaxCodka UbaxSE03EP12 Waa Layga Guursaday 3Send us a textWaa qaybtii saddexaad ee taxanaheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa "Hooyaan Noolayn" iyo "Beerlula". Dhegaysi wacan!Support the show2021-03-2615 minCodka UbaxCodka UbaxSE03EP11 Himilada Ciyaaraha HablahaSend us a textIn bulshadu, rag iyo dumarba, yeelato goobo ay ku dadkeedu ku ciyaaraan, kuna jimicsadaan, waxa ay korisaa caafimaadkeedka jidheed iyo bedqabkeeda maskaxeed, labadaba. Haddaba, maxay tahay sababta bulshada lafteedu indho gaar ah ugu eegto hablaha ciyaara kubbadaha kala duwan? Sidee ayaa se looga dhigi karaa ciyaaraha hablaha, kuwo aan laga qaloon? Ayaan Maxamed waxa ay tababare u tahay hablo gaadhaya 100, kala joogana gobollo kala duwan. Dhegaysi wacan!Support the show2021-03-1927 minCodka UbaxCodka UbaxSE03EP10 Ayeeyo Xaawa IsmaaciilSend us a textAan idin baro ayeeyday Xaawa Ismaaciil. Ayeeyo waa qofka aan doonayo in aan u dabbaaldego bishan haweenka awgeed. Ma aha oo keli ah tiirka ugu weyn ee maanta lagu faano, balse aniga waa ii halyey. Ayeeyo da’deedu waa 81, waxana ay carruurteedu marayaan afar jiil. Tirada ubadka ay dhashay iyo dhashoodu, waa 51 qof. Waxa ay iiga warramaysaa waayaheedii dhallaannimo, jiilashii iyada ka horreeyay iyo dabcan sidii xaalku ahaa wakhtigeedii. Dhegaysi wacan!Support the show2021-03-1345 minCodka UbaxCodka UbaxSE03EP09 Xidhiidhka Afka & DhaqankaSend us a textXidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya afka iyo dhaqanka, sidee ayaanay isu saameeyaan? Dhaqanku weligii meeshiisa taagnaan maayo, ayuu qabaa Dr. Xuseen Saleebaan. Cabdi Gurey waxa uu leeyahay, afku marxalado badan ayuu soo maray, muhiimadduna waa in ereyada cusubi aanay meesha ka saarin kuwii Soomaaliga ahaa. Balse si afka loo ilaaliyo, waa in dadka qurbaha ka imanaya ee afku ku adag yahay aan lagu qoslin, lana faquuqin, waa sida ay Hibaaq Cali qabto. Dhegaysi wacan!Support the show2021-02-261h 07Codka UbaxCodka UbaxSE03EP08 Digtoorkii BajaajtaSend us a textQof aad si kedis ah ula kulantay oo aad ka heshay, sidaasna aad ku kala lunteen, sideed ku heli lahayd? Dareenka noocan ahi waxa uu ku kooban yahay qof keli ah, mana sahlana sida dareenkaas loo la noolaadaa. Sheekadan waxa ila wadaagtay inan ka mid ah dhegaystayaasha Codka Ubax. Dhegaysi wacan!Support the show2021-02-1912 minCodka UbaxCodka UbaxSE03EP07 Caweyska Hargeysa & GalaydhSend us a textMaxamed Galaydh waa suugaanyahan ka mid ah dadka aan xiiseeyo in aan wakhti la qaato, mar kasta oo aannu isu nimaadnana aannu fikirro is weydaarsanno, wakhtigana illowno. Caweyskan aannu Hargeysa ku wada qaadannay, waxa uu isaga gudbayaa mawduucyada nolosha intooda aan jeclahay oo dhan. Ila dhegayso! Support the show2021-02-1236 minCodka UbaxCodka UbaxSE03EP06 Yaad Ku Dayataa?Send us a textDhiirrigelinta dhallinyarada, waa tiir ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee uu ku taagan yahay Codka Ubax. Barnaamijkan waxa aynu ku eegi doonnaa sifooyinka saxda ah ee ay tahay in uu lahaado qofka aynu ku dayanaynaa. Waxa mawduucan soo jeedinaya Mudane Maxamed Cumar Carte. Dhegaysi wacan!Support the show2021-01-291h 17Codka UbaxCodka UbaxSE03EP05 Waa Layga Guursaday 2Send us a textSiyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada is jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha #WaaLaygaGuursaday. Dhegaysi wacan!Support the show2021-01-2220 minCodka UbaxCodka UbaxSE03EP04 Doorka Saxaafadda ee Horumarinta BulshadaSend us a textSaxaafaddu waxa ay door weyn ku leedahay horumarinta iyo dhismaha bulshada. Waa barta laga hago ummadda, laga toosiyo hoggaanka, laguna kaydiyo sooyaalka ummadeed. Haddaba waxyaabaha curyaamiya maxaa ka mid ah, sidoo kale diintu maxay ka qabtaa in dano kale la hoos gashado werinta dhacdooyinka? Waxa ila jooga weriye Siddiiq Maxamed Burmad. Dhegaysi wacan!Support the show2021-01-1539 minCodka UbaxCodka UbaxSE03EP03 Mustaqbalka Ganacsiyada Yaryar: Adeegsiga Tiknoolajiyadda iyo Saamayntooda DhaqaaleSend us a textWaa barnaamijkii labaad ee taxanaha barnaamijyada aynu ku eegayno ganacsatada yaryar ee bilowga ah. BarnaamijkanI waxa uu diiradda saari doonaa habka ganacsiyada yaryari wax uga bedDeli karaan mustaqbalka dalka iyo sida ay u soo kordhin karaan halabuur tiknoolajiyeed. Waxa ila jooga Axmed Cali iyo Cabdifataax Suldaan. Dhegaysi wacan!Support the show2021-01-1232 minCodka UbaxCodka UbaxSE03EP02 Dhallinyarada & Bilowga Ganacsiga: Fursadaha & CaqabadahaSend us a textWaa barnaamijka kowaad ee taxanaha aynu kaga hadli doonno dhallinyarada iyo ganacsiyada yaryar. Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla dhallinyarada doonaya in ay la yimaaddaan halabuur ganacsi. Waxa ila jooga Xasan Gaadh-haye iyo Aasiya Siciid. Support the show2021-01-0833 minCodka UbaxCodka UbaxSE03EP01 Sannadguurada Kowaad ee Codka UbaxSend us a textWaa sannad cusub iyo Season 3. Waxa aannu dib u eegaynaa sannadkii tegay iyo barnaamijyadii baxay sannadkaas. Sidoo kale waxa aannu eegaynaa filashada sannadka soo socda, haddii Eebbe idmo. Waxa ila fadhiya Cawaale Deeqsi, Hibaaq Larry iyo Shukri Nuur. Dhegaysi wacan!Support the show2021-01-0526 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP20 Suugaanta Weedhsame & NoocyadeedaSend us a textAbwaan Weedhsame waxa uu macallin ahaa in ka badan 15 sanno, sidee macallinnimadiisu u saamaysaa suugaanta uu abuuro? Sidoo kale xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya suugaanta abwaan Weedhsame iyo xiddigaha sare? Siyaasadda ma khasab baa in laga maansoodo, se goorma ayuu ka caafimaaday jacaylkii dhawrka sanno dul degganaa? Dhegaysi wacan!Support the show2020-12-1137 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP19 Tabaha Hagidda BulshadaSend us a textHababka ugu saamaynta badan ee wax loo gudbiyo waxa ka mid ah habka maadda iyo qosolka. Sooraan Ismaaciil waxa uu ku suntan yahay, dedaal badanna geliyaa hagidda bulshada, isaga oo u maraya jidkaa aynu hore u soo sheegnay. Waxaannu ku sheekaysannay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan!Support the show2020-12-0416 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP18 Dhisidda Kalsoonida QoyskaSend us a textHadalhaynta tusaalayaasha togan ayaa inta badan ka saamayn iyo waxtar badan buunbuuninta mushkiladaha taagan. Wax badan ayaynu aragnaa sheekooyinka taban ee qoysaska Soomaalida, waxa se muhiim ah in sidoo kale xoogga la saaro sootebinta kuwa guulaystay. Waxa ila jooga lammaanaha  Mahad Jaamac Koronto iyo Warda-Sagal Axmed Rooble. Dhegaysi wacan!Support the show2020-11-2731 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP17 Jacaylka & Nacasnimada Maxaa Ka Dhexeeya?Send us a textMarka jacayl dhab ahi ku hayo, waxa kaa tegaya go'aanka. Waxa kugu badanaya dabacsanaanta iyo u hoggaansamidda xaalado aanad beryaha qaar oggolaateen, wax walbana in aad tunka saarato ayaa suurtagal ah. Dr. Axmed Cali "Cantar" ayaannu ka sheekaysannay mawduucan iyo heesihiisaba. Dhegaysi wacan!Support the show2020-11-2030 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP16 Maxamed M. Cabdi "Haykal"Send us a textInta badan dhaqanka miyiga iyo Soomaalidii hore waxa aynu ku eegnaa indho kalgacayl leh, tusaalooyin badan oo toganna waynu u soo qaadannaa. Dhaqankaasi, saamayn noocee ah ayuu ku leeyahay nolosheenna maanta, xumaan iyo samaanba?  Abwaan Haykal ayaa ila wadaagaya xikmad iyo suugaanba. Dhegaysi wacan!Support the show2020-11-1332 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP15 Cabdillaahi Xasan GaneySend us a textWaa maxay xidhiidhka ka dhexeeya suugaanta Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey iyo waxbarashadiisa, sidee ayay se isu la fal galaan? Heesihiisa oo 70 kor u dhaafay, kuwee ayaad ka taqaannaa, sidoo kale suugaanta Soomaalida iyo aayaheeda dambe muxuu ka yidhi? Waxa aad ku maqli doontaa hees cusub oo uu abwaanku hadda soo saaray. Dhegaysi wacan!Support the show2020-11-0631 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP14 Difaaca NebigaSend us a textWaxa dunida maanta ka jira olole lagu ceebaynayo Nebigeenna Muxammad ﷺ. Waa muhiim in laga dhiidhiyo, laakiin waa sidee habka ugu wanaagsan ee Nebiga ﷺ loogu hiiliyaa? Dhegaysi wacan.Support the show2020-10-3016 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP13 Cisbitaalka JacaylkaSend us a textQofku marka uu jidhka ka bukoodo, cisbitaalka ayuu tagaa, daawooyinna ka soo qaataa. Haddii se jacayl ku xumaado, halkee la tagaa? Cisbitaalka Jacaylka kaftan ayaan u haystay, dhegaysi wacan! Support the show2020-10-2323 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP12 Sucaad CarmiyeSend us a textIsbeddel kasta oo bulshada ku cusubi waxa uu la kulmaa cadaadis iyo cabbudhin. Sucaad Carmiye Odowaa waxa ay go'aansatay in ay halgan u gasho waxa ay aaminsan tahay oo ah xuquuqda dhallinyarada iyo haweenka. Waxa ay u sharraxan tahay xubin baarlamaan oo Somaliland ah. Sidee looga falceliyay go'aankeeda, sidoo kale waa maxay sababta ay halgankaas ugu badheedhay, maxaa se ka dhexeeya Sucaad iyo Saado Cali? Dhegaysi wacan!Support the show2020-10-1638 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP11 Abwaan Khaliif Faarax Xayir & Socdaalkii DheeraaSend us a textAbwaan Khaliif Faarax Xayir isaga oo yar ayuu gurigoodii ka tegay, waa dalmar soo arkay dhul tiro badan oo dalka iyo debeddiisaba ah. Nolol wejiyo badan leh ayuu soo maray, waxa se mar kasta wehelkiisa ahaa halabuurkiisa iyo suugaanta uu ka curinayo xilliyada qallafsan iyo kuwa ladanba. Dhegaysi wacan!Support the show2020-10-1044 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP10 Ayaan Axmed Caydiid & Suugaanteeda JacaylkaSend us a textDumarka suugaanyahanka ahi way kooban yihiin, sidoo kale kuwooda jacaylka ka maansoodaa waa dhawr. Ayaan Axmed Caydiid "Kaaba", waa halabuur suugaanteedu dhaliso hadalhayn joogto ah. Waa maxay sababtu? Dhegaysi wacan. Support the show2020-10-0238 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP09 Dhal Wadaad La MoodyeySend us a textTabaha xidhiidhka bulshadu waxa uu la jaanqaadaa hadba casriga la joogo. Sida maanta looga wada hadlo telefoonnada iyo internetka, berigii hore loo ma aqoon. Sidee waalidkeen u xidhiidhi jirey, ma soo gaadhay se wakhtigii jacaylkaaga loo qori jirey waraaqo ay ku sawiran yihiin wadnayaal waaweyni? Dhegaysi wacan!Support the show2020-09-2516 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP08 Abwaan Siddiiq BurmadSend us a textAbwaan Siddiiq Maxamed Burmad waxa laga yaabaa in aad codkiisa ka maqashay BBC Somali oo uu uga warramo Hargeysa. Waxa kale oo codkiisa si aan toos ahayn aad uga maqashay fannaaniin badan. Waa abwaanka sameeyay heesaha ay ka midka yihiin, Been Go’ Lagu Deday, Xalaawatulaws, Caashaqu Danguud Maaha, Qaaddiraw Allahayow, Dhulkaagaa Lagu Hodmaa iyo qaar kale oo badan. Dhegaysi wacan!Support the show2020-09-1846 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP07 Tufaaxii Aan TirsadaySend us a textWeli qof aad si kedis ah u kulanteen, dabeecaddiinuna is fahantay, weliba aad iska hesheen, ma is weydeen markiiba, sidaasna ma ku kala lunteen. Cumar Seerbiya ayaa markii u horreysay u safray Jabuuti, jidka waxa ay sii wada mareen Sahra. Iyaga oo isku faraxsan ayay kala lumeen markii ay xadka Jabuuti gaadheen. Dhegaysi wacan!Support the show2020-07-2522 minCodka UbaxCodka UbaxSE02E06 Halgankii SYL Noocee Ayuu Ahaa?Send us a textUrurrada gobanimadoonka ee Soomaalidu way badnaayeen. In badan waxa laga hadlaa SYL oo lagu sheego in ay ahayd hormoodka ururradaas. Maxaa ka jira, halgan noocee ah ayay se gashay? Waxa aan kala sheekaystay qoraa Sayid Axmed Dhegey oo ku nool dalka Sweden, buugaag dhawr ahna ka qoray sooyaalka Soomaalida. Support the show2020-07-1832 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP05 Farshaxanka Munira YussufSend us a textMunira Yussuf waa farshaxan wax ku sawirta kombiyuutarka "Digital Artist". Waxsoosaarka Munira ayaa aad looga bartay dalka Sweden iyo qaaradda Yurub oo dhan muddooyinkii u dambeeyay. Munira waxa hore loogu diiday in loo qaato qaar ka mid ah dugsiyada farshaxanka lagu dhigto ee dalka Sweden, maantana dugsiyadii laftoodii ayaa soo dalbanaya in ay farshaxankeeda ku soo bandhigto iskuulladaas. Support the show2020-07-1022 minCodka UbaxCodka UbaxSE02EP04 Waayihii & Waxqabadkii Maxamed Baashe X. XasanSend us a textMaxamed Baashe X. Xasan waxa uu ku geeriyooday magaalada London, maalintii Khamiistii, 18-kii June 2020. Maxamed waxa uu ahaa qoraa/suxufi/halgamaa jecel horumarinta afka iyo dhaqanka oo uu waxsoosaar badan ku darsaday, sidoo kale waxa uu ahaa qof aragti ku socda oo aan fikirkiisa la baqan. Shakhsiyaddiisii iyo waxsoosaarkiisii waxa ka warramaya qaar ka mid ah asxaabtiisii, Cabdi Faarax Juxa, Rashiid Sh. Cabdillaahi, Saynab Daahir, Boodhari Warsame iyo Xamda Cigaal. Alle ha u naxariisto. Support the show2020-06-2127 minCodka UbaxCodka UbaxSE01EP12 Su'aalaha Dhegaystaha 1Send us a textSu'aalo badan oo ay dhegaystayaashu soo weydiiyeen daaddihiyaha Codka Ubax ayaa barnaamijkan sal u ah. Amina-Isir ayaa qaybtan gadhwadeen ka ah. Dhegaysi wacan!Support the show2020-04-1731 min