podcast
details
.com
Print
Share
Look for any podcast host, guest or anyone
Search
Showing episodes and shows of
Ladnaan
Shows
Ladnaan Podcast
#71: Dowrka aabaha ee qurbaha ku nool - wareysi Abdikeyf (Madaxa SOCOPA)
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadeenaan waxaan wareeysanay Abdikeyf oo ah aasaasaha iyo madaxa ururka SOCOPA ee ku yaal magaalada Leister, UK. Waxaan ka hadalnay dowrka aabaha ee qurbaha, dhibaatooyinka yimaada marka uu qoysku aabaha ka maqan yahay iyo sida looga gudbi karo dhibaatooyinka qoysaska qurbaha. Dhageysi wacan.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'y...
2025-12-21
50 min
Ladnaan Podcast
# 70: Doorka aabaha iyo barbaarinta caruurta - Wareeysi Dr. Abdirashid
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadaan waxaan wareeysanay Dr. Abdirashid oo ah dhaqtar, aadna u xiiseeya arimaha bulshada iyo barbaarinta caruurta. Waxaan ka wada hadalnay dowrka aabaha uu ku leeyahay barbaarinta caruurta, qaasatan aabaha ku nool wadankeena hooyo. Dhageeysi wacan. Nala wadaaga arigtidiina. Waxaan idinka codsaneynaa inaad u gudbisaan dadka walaalaha ah si ay iyagana uga faaiideystaan. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo...
2025-11-15
58 min
Ladnaan Podcast
#67: Xiriirka waalidka iyo dhalinyarada - war salaadu halkeey iska qaban la'dahay
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadii hore waxaan ka hadalnay xiriirka lamaanaha, xalqadaana waxaan ka hadleynaa xiriirka waalidka iyo dhalinyarada. Maxeey dhalinyaradu tabanayaan, waalidkuse muxuu tabanayaa? Maxaase xal ah?Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAS...
2025-08-18
1h 07
Ladnaan Podcast
# 65: Sidee buu coach kaaga caawin karaa hab nololeedka waalidnimadaada iyo caafimaadka
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Waxaan xalqadeena kaga hadleynaa riyooyinkeena qaar ka mid ah oo aan rumeynay. Waxaan muddo sameeyneynay coaching anagoo isticmaaleynaa xirfadeena caafimaad. Laakiinse waxaan si rasmi u sameeynay diblooma coaching.Haddaba ka dhageyso xalaqadaan howlaha uu coach ka qabto, sababta loo doonan karo iyo waxa laga faaiidi karo. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yax...
2025-04-14
35 min
Ladnaan Podcast
# 64: Hadafkeena bisha Ramadaan
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadeena waxaan ka hadleynaa sida aan ku qaabileyno bisha Ramadaan. Waxaan isweeydiinay sedex su'aalo oo aad idinkana isweydiin kartaa.1. Ramadaankaan muxuu kaaga gedisnaan doonaa Ramadanada kale?2. Waa sidee jadwalkaaga Ramadaanka?3. Waa maxay hadafka ugu weyn oo aad jeceshahay in bisha Ramadan ay kuu hirgasho?Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa in...
2025-02-09
28 min
Ladnaan Podcast
# 63: Siduu noo ahaa sanadkii tagay, sideena ugu diyaargaroownay sanadkan bilowday?
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Dhamaan dhageystayaasheena waan idin salaameynaa. Ilaaheyna waxaan ka baryeynaa inuu nooga dhigo sanad wanaagsan. Xalaqadaan waxaan ka hadleynaa siduu noo ahaa sanadkii tagat 2024. Waxaan kaloo ka hadleynaa sida aan ugu diyaar garoownay sanadkan bilowday 2025. Su'aalaha aan isweydiinday iyo kuwa maalmeed aad isticmaali kartaan waan idinla wadaageynaa. Nagala soo xiriira emailkeena: ladnaanpodcast@gmail.comHeesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
2025-01-18
36 min
Ladnaan Podcast
# 62: Sideed u xoojineysa da’yarta autism/ADHD ga leh kalsoonidooda
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadeena waxaan kaga hadalnay sida waalidka uu ilmihiisa u xoojin lahaa kalsoonidiisa iyo siduu isku dabiri lahaa keligii. Waa xalqadii noogu dambeysay ee taxanaheena caruurta leh neurodivergent condition. Waa xalqad xiiso badan aanu rajeyneyno in waalid badan ay ka faaideysan doonaan. Xataa haddii uusan ilmahaagu qabin xaaladaan waxaad caawini kartaa waalidka kale ee haysa ama waxeey kuu noqoneysaa aqoon un kuu koradhay. Introduction music is from josephmcdade.com/musicLogo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
2024-12-30
32 min
Ladnaan Podcast
# 60: Muxuu kaaga baahan yahay ilmaha autism-ka iyo ADHD-ga leh
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadeena waxaan kaga hadalnay sida loo daboolayo baahida shucuureed iyo bulshadeed oo ay leeyihiin caruurta autism ka iyo ADHD-ga leh. Waxaan kaloo ka hadalnay sida loo taageerayo si ay u maareeyaan nolol maalmeedkooda.Ogow in caruurta leh autism ama ADHD aysan isku wada mid aheeyn. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awj...
2024-09-23
42 min
Ladnaan Podcast
# 59: Wareeysi aan la yeelanay Zeynab - Autism center in Garowe
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Waxaan xalqadaan idinku haynaa wareeysi xiiso leh. Waxaan wareeysanay Zeynab oo ah cilmi nafsi ka shaqeeysa Xarunta caruura baahida gaarka leh - Autism Somali Center ee ku taal Garowe. Dhageystayaasheena waxaan ka codsaneeynaa haddii ay jiraan dad jecel ineey cilmigooda ama si kale ku caawin kara nala soo xiriiraan ama toos xarunta ula xiriiraan. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
2024-09-01
36 min
Ladnaan Podcast
#58: Xaaladaha/dabeecadaha autism ama neurodiverse
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Fasaxeena kuleelaha kadib waxaan idiin soo gudbineynaa taxano ku saabsan xaaladaha ama dabeecadaha neurodiverse ka ah. Waa maxay, maxaa sababa, sideen ku ogaan karaa inuu ilmaheeyga leeyahay. Intaasba waa su'aalo aan ka wada hadleyno. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com ...
2024-08-18
31 min
Ladnaan Podcast
#57:LIVE PODCAST - Xoojinta isku xirnaanta qoyska
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadaan waa Live Podcast oo aan la sameeynay waalidiinta Borlänge, Sweden. Xalqadaan waxaan kaga hadalnay sidaan u xoojin leheen isku xirnaanta qoyska.Waxaan ka hadalnay lix qeybood oo naga caawineyso isku xirnaanta qoyska:1. In aaladaha teknoloojiga iyo shaashaada aan ka fogaano kuna badalno waxyaabaha reerka isku soo dhaweeyn kara2. In ay jirta hab dhaqan ama maamul guriga oo ay dadku dhan wada og yihiin (routine)3. In wada hadalka la xoojiyo iyadoo naxariistii iyo isfahamkii lagu dabaqayo4. In waalidka uu is fahmo, caruurtiisana baro sideey isku bari la...
2024-06-11
1h 13
Ladnaan Podcast
#56: Koriinka caruurta aan caadiga ahayn - Wareeysi Sadia Abubakar I.
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Waxaan maanta idiin haynaa xalqad xiiso leh oo aan ku wareeysanay Sadia Abubakar Ibrahim oo ah clinical psychologist. Iyadoo nooga warameysa waa maxay koriinka caruurta aan caadiga ahayn, maxaa keena, sideena waalidka ku garan karaa ama ula tacaali karaa. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nala soo w...
2024-05-19
35 min
Ladnaan Podcast
#55: Sideen u socod siinaa wax qabadkii Ramadanka
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadeena maanta waxaan kaga hadleynaa sidee ayuu ahaa Ramadankeena, maxaa inoo suurta galay qorshihii aan sameeynay? Sideen usii socod siinaa wax qabadkii aan sameeynay? Waxaan kaloo idinla wadaageynaa sida ay reerka usii socod siin lahaayeen, camalada wanaagsan ay sameeyeen.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nala...
2024-04-21
24 min
Ladnaan Podcast
# 54: Bisha Ramadan iyo siduu qoysku isugu diyaarin lahaa
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Waxaan xalaqadeenaan kaga hadleynaa siduu qoysku isugu diyaarin lahaa bisha Ramadan ee barakeysa. Sideen isugu dheeli tirnaa howlaheena adduunka iyo inaan Alle u dhawaano.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
2024-02-26
32 min
Ladnaan Podcast
# 53: Sideen caruurteena qalbigooda ugu xasilinaa iimaanka
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Kusoo dhawaada xalqad cusub oo ka hadleysa sidaan caruurteena qalbigooda ugu abuuri leheen, uguna xasilin leheen iimaanka. Waxaanu ka wada hadleynaa su'aalo ah: Waa maxay sababta aan ugu baahan nahay inaan caruurteena qalbigooda ku abuurna kuna xasilino iimaanka?Goorma ayaan bilaabeynaa?Miyaan u baahan nahay in da' walbo aan si u barno?Maxaa inoo shaqeeyay?Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
2024-02-18
42 min
Ladnaan Podcast
# 52: Aragtida caruurta laga qabo iyo saameynta - wareeysi Dr. Faadumo M.
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Waxaan xalqadan xiisaha leh idinkugu soo gudbineynaa wareysi aan la yeelanay Dr. Faadumo Mohamud Mohamed aragtida caruurta ay bulshada ka qabto iyo saameynta ay ku yeelaneyso tarbiyada iyo tacliintaba. Dr. Faadumo waxeey xanaanad ka furtay magaalada Muqdisho taasoo ula jeedadeeda tahay in lasoo saaro fac naxariis iyo jaceyl wax lagu baray iyo ineey u arkaan waxbarasha mid socota oo aan dhamaaneyn. Bal nala dhageysta xalqadan xiisaha leh. Nala soo wadaaga ra'yigiina, idinkoo Instagram keena @LADNAAN_PODCAST noogu soo diraya. La wadaaga walaalihiina Ladnaan podcast. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan isk...
2023-11-15
1h 02
Ladnaan Podcast
#51: Muhiimada ay leedahay cilaaqada ka dhaxeeysa waalidka, ilmaha iyo macalinka
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Waxaan xalqadaan ku wareeysan Ubah Adan oo ah waalid, macalin iyo maamule iskuul. Ubah waxeey si fiican u kala dhigdhigeysaa dowrka uu macalinku ka cayaaro ilmaha ama ardeyga mustaqbalkiisa, waxbarashadiisa, iyo habdhaqankiisa. Iyo weliba muhiimada ay leedahay cilaaqada ka dhaxeeysa waalidka iyo macalinka. Waxaad kaloo maqli doontaa anagana ra'yigeena. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sam...
2023-10-15
1h 02
Ladnaan Podcast
# 50: Ladnaan 3 years! Sidee buu noqon mustaqbalka Ladnaan?
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Kusoo dhawaada xalqadan oo aan kaga hadleyno sideey ahayd sedexdii sano ee lasoo dhaafay, maxeeynu baranay, iska baranayna, sidee buu noqon mustqabalka Ladnaan podcast?Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.comwaxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCASTHeesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar
2023-09-10
34 min
Ladnaan Podcast
# 49: Ladnaanta nolosha waxeey ku jirtaa qiimeynta nafsadaada
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Qof walba wuu jecel yahay inuu helo farxad iyo ladnaan. Laakiin sida uu qofka uu raadiyo weey kala gedisan tahay. Haddaba qeybtan waxeey ku saabsan tahay sida aan ku heli leheen ladnaanta nolosha. Iyadoo uu qofku u baahan yahay inuu naftiisa qiimeeyo doorarka nolosha ee saaran. Waxaan kaloo hadleynaa sida aan anagana isku qiimeynay.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Lo...
2023-08-20
37 min
Ladnaan Podcast
# 48: Sideey caruurteena ku sameeysan karaan saaxiib wanaagsan
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Su’aal aan anaga isweydiiney waalid badana ay is weydiinayaan ayaa ah sideey caruurteeba u sameeysan karaan saaxiib wanaagsan. Saaxiibada muhiim ayeey u tahay caruurta, waxayna ka bartaan dad la dhaqanka, waxeeyna nooga baahan yihiin inaan hagno. Waxaan isku dayeynaa inaan xalqadan kaga hadalno da’da kala gedisan iyo saameynta asaxaabta iyo sideey waalidka u hagi lahaayeen caruurtooda. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6...
2023-07-07
43 min
Ladnaan Podcast
# 47: Xusuus wanaagsan la samee caruurtaada
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadeena maanta waxeey ka hadleysaa sidaan xusuus wan wanaagsan ula sameeyn lahayn caruurteena, iyo muhiimada ay leedahay xusuusta wan wanaagsan in la isla sameeyo.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
2023-06-11
37 min
Ladnaan Podcast
# 46: Daryeel Bulsho - Wareysi aan la yeelanay Qoraaga Abdukadir A. Mursal
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalaqadeenaan waxaan wareeysi la yeelanay qoraaga buuga Daryeel Bulsho. Waa buug xambaarsan aqoon guud iyo wacyi galin ku saabsan caafimaadka maanka, anagoo ku xuseyna bisha May oo ah bisha caafimaadka maanka. Abdukadir wuxuu xalqadani noogu sheegayaa talaabooyin ka hortrag ama ka daba tag xagga caafimaad xumida ku yimaada maanka. Haddii aad dooneyso inaad iibsato buuga Daryeel Bulsho kala xiriir Abdukadir: cabduqadirabukar@gmail.comHeesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.co...
2023-05-21
46 min
Ladnaan Podcast
# 45: Bisha Ramadan iyo sidaan u kobcin lahayn qoyska
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadeenaan waxaan uga hadleynaa sidaan u kobcin lahayn qoyskeena bisha ramadanka. Waxaanu isku deyi doonaa inaanu ka hadalno wixii talo ama khibrad inoo shaqaysay ama mid aanu ku fakarnay ah inaad idinla wadaagno. Waxaanu ka hadleynaa siduu qoysku isugu diyaarin lahaa bisha ramadan si wadajir ah, waxay sameeyn lahayn inta bisha barakeysan lagu gudo jiro, iyo sideey ciidaba isugu diyaarin lahaayeen. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maher Zain. Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
2023-03-19
47 min
Ladnaan Podcast
#44: Waa maxay Burn-out? Sideena looga hortagi karaa?
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalaqadeenaan waa xalqad ay dhageystayaal badan naga codsadeen inaan wax ka sheegno. Mawduuca maanta aan soo qaadaneyno waa Burn-out. Waxaanu xalqadaan kaga hadleynaa calaamadaha lagu garto, marxaladaha kala duwan iyo waxaad ka qaban karto.Haddaba waxaan dhageystayaasheena xusuusineynaa in markaan calaamadaha sheegno kadib aysan bilaabin ineeysan diagnos isku sameeyn. Hadaad shaki iska qabto la xiriir dhaqtarkaaga ama raadso dhaqtar. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf...
2023-03-04
39 min
Ladnaan Podcast
#43: Sideed tahay adiga waalidka ah ee caruurta yar-yar haysta?
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Waa sidee dareenka waalidka caruurta yaryar haysta? Ma waxaad dareemeysaa farxad iyo reyn reyn, mise stress? maxaad sameeysaa si aad uga baxdo mar marka qaarkii stress-ka waalidnimada keenta? Haddaba xalqadan waxaan kuugu haynaa talooyin. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
2023-01-22
21 min
Ladnaan Podcast
# 42: Sideen caruurteena uga badbaadinaa shaashada & aaladaha elektorooniga?
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Sanad wanaagsan ayaan idin leenahay dhageystayaasheena meel walbo oo aad joogtaan. Anagoo weli ku guda jirna caruurta da'dooda u dhaxeeysa 1-6 jir waxaan xalqadan idinkugu haynaa dhibaatooyin ay waalidiinta adduunka dhan ay isla wadaagaan oo ah sideen uga badbaadinaa caruurteena shaashada iyo aaladaha elektorooniga?Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixi...
2023-01-02
28 min
Ladnaan Podcast
#41: Part 3-Marxaladaha horumarinta caruurta jirta 4-5 jir
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Taxanaheenaan sedexaad wuxuu ka hadlayaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 4-5 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeLogo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
2022-12-04
35 min
Ladnaan Podcast
#40: Part 2: Marxaladaha Horumarka Koriinka Caruurta 1-3 jir
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Taxanaheenaan labaad ee Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-3 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeLogo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
2022-11-13
28 min
Ladnaan Podcast
#39: Marxaladaha Horumarka Koriinka Carruurta, 1-3 sano jir- Part 1
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Waxaan dhowr xalqadood oo soo socda kaga hadli doonaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-5 sano jir. Qeybtaan ugu horeeysa waxaan kaga hadleynaa 1-3 jir iyo shanta marxalood ee ugu waaweyn. Ha moogaanin qeybta 2-aad oo aan sii wadi doono. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeLogo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Wixii ra'yi ama talo nal...
2022-10-31
31 min
Ladnaan Podcast
#38: Sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadeena waxaan kaga hadleynaa sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka. Caruur badan ayaa dhacda in isbuuc ama dhowr isbuuc kadib iskuulkii naca oo yiraahda ma rabo inaan iskuulka aado. Sababaha keentana weey badan tahay. Xalqadeenaan waxaan kaga hadleynaa xalalka uu waalidka sameeyn karo markeey caruurtiisa ka caajisaan iskuulka ama ay diidaan ineey sameeyaan waajibaadyada looga soo diray iskuulka. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_ch...
2022-09-12
27 min
Ladnaan Podcast
# 37: Sidaan caruurta ugu diyaarin leheen iskuul sanadeedka
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!How to prepare children for the school start.Xalqadeenaan waxaan siin doonaa waalidiinta talooyin ay ku dabaqi karaan una isticmaali karaan isku diyaarinta sanad dugsiyeedka.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeLogo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi a...
2022-08-20
45 min
Ladnaan Podcast
# 36: Wareysi Luul oo ah social worker/social sekreterare
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Haddaba xalqadeena waxaan mar labaad ku casumnay Luul oo aan horay kaga wareeysanay howsha ay qabtaan adeega bulshada ee Sweden. Xalqadeenaan waxaan ka hadleynaa oo ay Luulna nooga jawaabeysaa su'aalo ka yimid wareystayaasheena. Waxayna xalqadani qaas u anfaceysaa waalidiinta ku nool Sweden. Waalidiinta wadamada galbeedka kale degan xataa waxay ka faaiideysan karaan waxyaabo badan.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye...
2022-07-10
47 min
Ladnaan Podcast
Special episode: Guur & Gayaan
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Xalqadaan Ladnaan podcast waa mid ka gedisan xalqadihii aad nooga barateen. Waa special episode oo aan ugu tala galnay inaan warbixin ka bixino mawqac ama Platform la yiraahdo Guur & Gayaan. Dhageyso oo nala wadaag ra'yigaaga. Wixii su'aalo ah noogu soo dir: ladnaanpodcast@gmail.comMawqaca Guur & Gayaan waxaad kasoo geli kartaa Instagram account: @guur_iyo_gayaanHeesta intro iyo dhamaadka waa heesta Cabdi Hani, Wiil Goboo
2022-06-22
12 min
Ladnaan Podcast
#24: Maxaa keenay isbedelka cunugeyga - Me and My teenage
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Maanta waxaan mawduuceena ku bilaabeynaa sheeko ay hooyo soomaaliyeed noola wadaagtay. Waxay tiri: wiilkeyga wuxuu ahaa mid ii baari ah oo warkeyga maqla. Wuxuu ahaa kan ugu baarisan ilmaheyga oo dhan. Sanadkaan markii ii iskuulka ku laabtay waxaan ka dareemayaa isbedel badan. Wiilkii hore ma’aha oo faraxsanaa, waa maxay isbedelkaa maxaanse sameeyaa. Bal haddaba ka dhageyso jawaabaha aan bixineyno qeybtan. Waxaan kaloo walaalaha ka codsaneynaa ineey nooga soo jawaabaan sahankaan oo aan jecelnahay inaan ku hormarino Ladnaan podcast. https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN
2021-09-05
32 min
Ladnaan Podcast
#23: Sanadguuradii 1-aad ee Ladnaan Podcast - Celebrating 1-year anniversary
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Waa sanadguuradii 1-aad ee Ladnaan Podcast. Waxaan xalqadeena kaga hadalnay hadafka aan u aasaasnay Ladnaan podcast, maxaa nagu guubaabiyay inaan sii wadno, xalqadaha labadeenaba aan jecelnahay iyo weliba waxaan ka hadalnay mustaqbalka Ladnaan.Waxaan dhageystayaasheena ka codsaneynaa ineey nooga soo jawaabaan dhowr su'aalood oo aan jecelnahay inaan ra'yigiina dhageysano si aan howsheena Ladnaan usii wadno oo aan soo deyno barnaamijyo idin xiisa gelinaya. Waxay keliya oo ay qaadaneysaa ilaa 4 min. ka jawaabisteeda. Guji linkigaan: https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN Ladnaan listeners - we are running a...
2021-08-17
31 min
Ladnaan Podcast
#10: Gunaanad, Su'aalo iyo Jawaabo - A summary from previous episodes and Q & A
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaagno barnaamijkeena maanta. Qeybtan waxaan kusoo koobeynaa qeybaheenii hore ee ku saabsanaa, caafimaadka hooyada, sida aan u kobcin leheen maskaxda caruurteena. Waxaan kaloo qeybteenaan ka jawaabi doonaa su’aalihiinii aad noogu soo dirteen Ladnaan podcast intagram iyo meylkaba. We are so excited to share this episode with you. This episode is a summary of all of our previous episodes regarding parent's health and brain development of our children. We will also answer your questions that you have sent through Ladnaan podcast Instagram and...
2020-12-13
30 min
Ladnaan Podcast
#05: Waxaan ka jawaabeynaa su'aalo ka timid dhagaystayaasheena - Questions from our listeners
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaagno barnaamijkeena maanta. Qeybtan waxaan kusoo koobeynaa qeybaheenii hore ee ku saabsanaa, waalidnimada, aasaaska waalidnimada iyo dowrka uu jaceylka ka qaato isku xirnaanta waalidka iyo ilmihiisa. Waxaan kaloo qeybteenaan ka jawaabi doonaa su’aalihiinii aad noogu soo dirteen Ladnaan podcast intagram iyo meylkaba. We are so excited to share this episode with you. This episode is a summary of all of our previous episodes regarding parenting, the fundamental of parenting and how the love of parenting is fundamental for the parent-child attachment. We...
2020-09-27
32 min
Ladnaan Podcast
#2: Waalidnimada ma xirfad la bartaa mise waa mid aan ku dhalanay?
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Qeybteena koowaad waxaan uga hadleynaa, waa maxay waalidnimada? Ma xirfad la bartaa mise waa mid uu ilaahay inagu dhaliyay? Miyuuse waalidka u baahan yahay inuu barto siduu ilmihiisa u barbaarin lahaa?Music: Joseph McDade (SunRise expedition) https://josephmcdade.com/music Art by Fartuun Hashi. In collaboration with https://www.noorawellbeing.com/. Waxaan kaa codsaneynaa inaad nala socoto oo aad qiimeyso Podcast-kaan iTunes: https://podcasts.apple.com/se/podcast/ladnaan-podcast/id1526192367 ama Stitcher: https://www.stitcher.com/podcast/ladnaan-podcast?refid=stpr
2020-08-17
27 min
Ladnaan Podcast
Introduction Ladnaan Podcast
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!Kusoo dhawaada Podcastigaan cusub ee la magac baxay Ladnaan. Looguna tala galay hooyooyinka, aabayaasha iyo inta isku diyaarineysa ama rajeyneysa ineey noqdaan waalid. Haddaba qeybtaan horudhaca ah waxaan jecelnahay inaan ka hadalno sababta aan u dooneyno inaan soo bandhigno Ladnaan podcat kaan.Barnaamijkan waxaa idiin soo tebin doona laba saaxiibo oo ku saaxiibay ineey is baraan kalana bartaan horumarka qoyska, tarbiyada caruurta iyo kobcinta shaqsiyada gaar’aahaaneed.
2020-07-28
05 min